Maxaa loo magacaabi la’yahay Taliyeyaasha NISA iyo Booliska?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa laga joogaa mudo ka badan labo bilood tan iyo markii xilalkii laga qaadey Taliyeyaashii ciidamada Nabad Sugida Qaranka iyo Booliska Soomaaliya.

Xilalkan ayaan illaa hadda jirin cid qabatay, iyadoo aan la magacaabin Taliyeyaal cusub oo sii wada howsha amniga oo ah baahida ugu weyn ee xilligan ka jirta dalka, islamarkaana shacabka ay aad ugu baahan yihiin.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, oo ka hadlay sababta Xukuumadiisa u magacaabi la'dahay Hogaanka Hay'adaha amniga ayaa sheegay in Howsha ay socoto islamarkaana uu raadinayo cid xilalkan u qalma.

"Muhiimada ma ahan magacaabista Taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida, balse muhiimada waxay tahay socoshada shaqada ciidanka," ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Khayre ayaa sheegay in mas'uuliyiinta xilalka loo dhiibayo in lagu xulanayo inay la jaanqaadi karaan siyaasadda Xukuumadiisa xilligaan ay ku shaqeynayso iyo qof kasoo bixi kara waajibaadka qaranka.

Xilka Taliyaha NISA ayaa waxaa tartan ugu jira beesha Hawiye kuwasoo hay’adaan madax ka ahaa tan iyo intii dhidibada loo taagey.

Macluumaad hoose oo uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in Taliye ku xigeenka NISA, ahna Ku simaha hadda shaqada sii wada Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac hunguri ka hayo In xilkaan loo magacaabo.

Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac

Xildhibaanada Beelaha Mirifle/Raxanweyn ayaa goor sii horeysay arinkaan kala hadlay Wasiirka Kowaad ee xukuumada Soomaaliya. Cabdulqaadir Maxamad Nuur Jaamac ayaa kamid ahaa dhalinyaradii kasoo gashey ururka Al shabaab xiligii dalka uu Madaxweyne ka ahaa Xasan Shiikh.

Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sidoo kale soo noqday Qunsulka Soomaaliya ee dalka Turkiga, iyadoo xilkaasi laga qaadey markii dowladda Farmaajo talada dalka la wareegtay bishii Febuary ee 2017.

Dhanka kale, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay GO in Taliyihii xilka laga qaadey ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe] uu wali degan yahay xarunta Nabad Sugida ee Habar-khadiijo iyadoo wararku sheegayaan inuu si dadban u  maamulo Hay’adda.

Xukuumadda Khayre ayaa lagu dhaliilay inay ka gaabisay howlihii loo doortay, oo ugu horeeyo amniga, xilli dal ay ka dhacayaan weeraro iyo dilal joogto ah, iyadoo Al Shabaab ay la wareegayso deegaanadii horey dowladda gacanta ugu haysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM