Maxaa loo weeraray Guriga Madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya?

Image

JANAALE, Soomaaliya - Ciidamo isagu jira Mareykan iyo Soomali ayaa ku duulay guriga Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle Cismaan [Aadan Cadde], oo ku yaalla degaanka Janaale, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa jebiyay guriga, waxaana ay kala soo baxeen saddex dhalinyaro ah, xubno katirsan qoyska Aadan Cadde Jimcihii lasoo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiil ku sugan gobolka.

Ciidamada ayaa weeraray guriga kadib markii la siiyay xog qaldan oo ku saabsan in Guriga ay ku jiraan xubno Al-Shabaab, oo ah koox dagaal kula jirta dowladda Federaalka iyo AMISOM.

Goobta uu howlgalka ka dhacay oo aan ka fogeyn Janaale, ayaa qiyaastii 100-KM dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho.
Aadan Cadde ayaa dhintay 2007, oo lagu sharfay in loogu magac-darro Garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay u arkaan hogaamiye wadani ah, oo xilka si nabad ah uga degan.

Xubnaha qoyskiisa ayaa u sheegay Wargeyska" the Guardian" oo kasoo baxa dalka Ingiriiska in aad uga argagaxeen weerarka, maadaama guriga uu yahay mid ay xilligan degan yihiin dad shacab ah.

Sawirro baraha bulshada lasoo dhigay ayaa muujinaya burbur xooggan oo gaarey Gurigan oo loo yaqaano Daarta Aadan Cabdulle Cismaan oo ku yaalla tuulada Waagaani, maadaama ay Askarta jebiyeen albaabadan qolalkiisa.

Dhacdadan ayaa soo bandhigtay walaaca shacabka ee howlgallada ciidama gaarka ah ee Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ay ka fuliyaan inta badan gobolka Shabeellaha Hoose.

Degaanka Bariire iyo kuwa kale oo ku dhaw ayaa waxaa lagu dilay dad shacab ah kadib markii ay toogteen Ciidamada huwanta ah, oo sheegay inay ku qaldeen dagaalyahanada Al Shabaab.

Wiilasha ciidamada kasoo wateen Guriga Aadan Cadde, oo da'doodu u dhaxeyso 15 illaa 20 sano ayaanan wali la ogeyn halka ay ku dambeeyaan nolol iyo geeri, sida ay qaraabadooda sheegeen.

Ciidamada waxay sidoo kale weerareen beer weyn oo ku ag-taalla Guriga, oo isla Aadan Cadde uu lahaa, iyadoo aan la ogeyn halkaasi waxay kala soo kulmeen.

Aadan Cadde ayaa Soomaaliya soo xukumayay 1960-kii kadib xorridda ilaa 1967, mudo 7 sano ah.

 - Fal-celinta Ra'iisul Wasaare Khayre - 

Xafiiska Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa raali-gelin ka siiyay qoyska Aadan Cadde falkan, kaasi oo sarkaal katirsan NISA ayaa sheegay in xog qaldan oo la bixiyay ay horseeday qaladka dhacay.

"Ciidamada Mareykanka aqoon uma laheyn goonbta, waxayna isku halleeyeen xog sirdoon oo been ah oo ay siiyeen rag la shaqeeya, oo mararka qaar bixiya macluumaad aan sax ahayn, " ayuu yiri sarkaalka katirsan NISA, oo magaciisa la qariyay.

Si kastaba, ill-wareed ku sugan Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa dusiyay xog ku aadan weerarka, isagoo tilamaamay in xubno katirsan Al Shabaab oo ciidamada ku raadjoogay ay u carareen dhanka guriga Aadan Cadde, sidaasina lagu galay.

Isha warkan laga helay ayaa caddeysay in Ra'iisul Wasaare Khayre uu u sheegay qoyska Aadan Cadde in dhacdan lagu sameyn doono baaritaan, sidoo kalena dhalinyarada la watay dib xorriyadooda loogu soo celin doono.

 - Xog Sirdoon oo qalad ah -

Sarkaal kale, oo isna NISA kamid ah, islamarkaana horey ula soo shaqeeyay ciidamada Mareykanka ayaa daboolka ka qaadey in qaladaadka noocan ah uu inta badan ka yimaado xog sirdoon oo qalad ah.

Dhaqan Cisman, oo ah xubin kamid ah qoyska Aadan Cadde ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Federaalka uu hogaaminayay nin dheer oo cad, kaasoo luuqada English-ka Mareykanka ku hadlayay.

Diyaarad Helicopter ayuu sheegay inay ciidamada ku tageen Guriga iyo Beerta Aadan Cadde, ee ku yalla degaanka Waagaani, oo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM