Midowga Yurub iyo Madasha Xisbiyada oo afar qodob ka shiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Yurub iyo Madasha Xisbiyadda Qaran ee Soomaaliya ayaa maanta kawada hadlay siyaasada Soomaaliya, doorashooyinka iyo ololaha ka hortagga faafitaanka Coronavirus.

Mas'uuliyiinta kulanka kasoo muuqdey waxaa kamid ah; Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee dalka ahna hogaamiyaha madasha, safiirka EU-da ee Nicolas Berlanga iyo xubno kale.

War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay madasha ayaa lagu soo bandhigay afar qodob oo dhinacyadda ay isla falanqeeyeen.

"Kulan ay yeesheen Xubno ka socday Madasha Xisbiyada Qaran uuna hogaaminayay Guddoomiyaha Madasha Sheikh Sharif Sheikh Ahmed iyo danjiraha Midawga Yurub ee Soomaalia Ambassador Nicolas Berlanga ayaa looga hadley arimo ay kamid yihiin; 1. Ilaalinta Dastuurka iyo dhowrista xuquuqda muwaadinka. 2. Qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah xilligii loo asteeyay, aysanna dhicin wax muddo kordhin ah. 3. Xaqiijinta kuraasta loo qoondeeyay haweenka 4. Iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka CoronaVirus," ayaa lagu yiri bayaanka oo uu arkay Garowe Online.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan kulankaas oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka danjire Nicolas Berlanga.

Is-araggaas ayaa kusoo aadaya xili madasha ay todobaadkii hore ka digtay in dib-u-dhac uu ku yimaado doorashooyinka la filayo in ay dhacaan 2020-21 iyo muddo kororsi ay sameysato dowlada Farmaajo.

Doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka dambe ayaa qorshuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod, balse waxaa la geliyey shaki weyn, maadaama aan wali lagu heshiin nidaamka iyo xeerarka muhiimka u ah hirgelinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM