Maxaa looga hadlay kulanka Shariif iyo wakiilka UN-ka ee Soomaaliya?

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wakiilka gaarka ah ee Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya iyo madaxweynihii 7aad ee dalka ayaa maanta oo Khamiis ah wadahadalo ku yeeshay magaaladda Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed iyo James Swan ayaa waxaa kulankooda ku wehliyey xubno ka tirsa Madasha Xisbiyadda mucaaradka ee Qaranka.

Qoraal kasoo baxay Madasha ayaa lagu sheegay in shirka lagu lafaguray "helitaanka doorasho xalaal ah oo geedi u socod-keeda la isla ogol-yahay iyo wadahadallo dhab ah oo dhexmara saamileyda siyaasadeed".

"[Wada hadaladda waa in] ay kamid yihiin maamul goboleedyada, xisbiyadda iyo dowladda," ayaa lagu yiri qoraalka Madasha oo nuqul kamid ah uu helay Garowe Online.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, sidoo kale waxay kawada xaajoodeen ergayga iyo mas’uuliyiinta "joojinta farogelinta ciidanka Itoobiya ee arimaha gudaha Soomaaliya".

Hogaanka Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa todobaadkan la kulmay danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamota, iyaga oo kawada tashadey doorashadda soo aadan ee dalka iyo tan Galmudug.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayay sidoo kale is-arkeen bishii December, iyaga oo isla qaatay in doorashadda sanadka dambe ay waqtigeeda ku dhacdo.

Doorashada 2020-21 ayaa waxaa la filayaa in ay noqoto qof iyo cod, wallow aan wali nidaamkeeda lagu heshiin.

Guddi baarlamaani ah oo ku howlan diyaarinta sharciga doorashooyinka ayaa soo jeediyey nidaamka Horeeyaa guuleysta, kaasoo go'aanka ugu dambeeya ay ka gaari doonan mudaneyaasha labada Aqal ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM