Khilaaf soo kala dhex-galay AMISOM iyo hogaanka ciidanka Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Xiisad ayaa lagu waramayaa in ay ka dhex-qaraxday taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo taliyeyaasha xoogaga Kenya ee qaybta ka ah howlgalka nabadeynta Soomaaliya.

Muranka labada dhinac ayaa ka dambeeyay markii dowladda Kenya ay ciidamo kala soo baxday qaybo kamid ah gobolada Jubooyinka.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, taliyeyaasha dalalka ciidamada ku taageeray AMISOM ayaa "ku canaantay" Kenya talaabadaasi ay qaaday iyadda oo aanan cidna ku war-gelin.

Saraakiisha ayaa ku eedeeyay dowlada Kenya in ay raadineyso dano gaarka ah oo ay ka fushato taliska ciidamada midowga Afrika, inkasta oo ay shaacin waxay tahay.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ciidanka ay Kenya kasoo baxeen saldhigyada ay ku leeyihiin gobolka Gedo oo ku jiro midka tuuladda Busaar halkaasoo ay in muddo ah ku sugnaayeen.

Degaanka Busaar ayaa ah meel kooxda Al-Shabaab ay jug culus ku gaarsiisay ciidanka Kenya kadib weerarkii Ceel Cade halkaasoo looga dilay 200 askari.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Kenya ay ka careysan tahay markii taliye ku xigeenka AMISOM oo ahaa sarkaal u dhashay Kenya xilka laga qaaday, loona dhiibay mid kale uu Uganda kasoo jeeda.

Arrimahaan ayaa kusoo aadaya iyada oo taagan tahay damac Nairobi uga jiray qayb kamid ah biyaha Soomaaliya ee ay dooda gelisay.

Kiiskaan oo soo socday tan iyo 2014-kii ayaa lagu wadaa in sanadka dambe ay go’aan kasoo saarto maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ.

Xasarada badda oo soo cusboonaatay bishii Febraayo ayaa dhalisay in uu xumaado cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee labada dal oo kolkii dambe ay hagaajiyeen madaxwaynayaasha labada dowladood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM