Maxaa shaqada looga joojiyey Taliyihii Ciidamada Villa Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa xilka ka qaadey Taliyihii Ciidamada Ilaalada Madaxtooyadda, Colonel Axmed Maxamed Cali [Af-Caddeey], xilli uu taagan yahay Khilaaf Siyaasadeed u dhaxeeya Madaxda sare ee dalka.

Af-Caddeey, oo sidoo kale ahaa Taliyaha Ururka 60-aad ee Ciidamada Ilaaliya amaanka Villa Soomaaliya, ayaa xilka qaadistiisa ka dambaysay kadib markii uu ku lug yeeshay kiiska Fowdadii ka dhacday Arbabacdii xarunta Gollaha Shacabka.

Taliyaha ayaa loo haystaa inuu hubin waayay Ciidamo la sheegay in Sarkaal ay saaxiibo yihiin ku kasoo watey Madaxtooyadda, kadibna ku xoojiyay kuwa ilaalada u ah Gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa Mahad Cawad u galbiyay Gollaha Shacabka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Taliye Af-Caddeey uu kahor yimid Ciidamada dowladda kala noqotay Ilaalinta amaanka Jawaari iyo Hubka dhigistii lagu sameeyay Askartii gashay xarunta Gollaha Shacabka, ee wehlinayay Gudoomiyaha iyo Mahad Cawad.

Dowladda ayaa kala noqotay Jawaari Ciidamadii isaga ilaalada u ahaa, iyadoo xabsiga dhigtay sidoo kale in ka badan 40 oo hub la galay xarunta Baarlamaanka Arbacadii lasoo dhaafay. Halkan ka akhri Warbixinta.

AMISOM ayaa si buuxda ula wareegtay amniga Jawaari, kadib markii Ciidankii ilaalinayay lagala noqday.

Col Cumar Cabdiraxmaan ayaa si KMG ah loogu magacaabey xilka Taliyaha Ciidamada Aqalka Madaxtooyadda, oo ah Hoyga ay degan yihiin madaxda ugu sareysa dalka, sida Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul Wasaaraha.

Af-Caddeey ayaa xilkan loo dhiibay markii la doortey Farmaajo 8-dii Febuary, 2017.

Jawi Siyaasadeed oo kacsan ayaa ka jira Villa Soomaaliya, iyadoo hogaamiyaasha dalka ee halkaasi wada deggan uusan xiriirkooda wanaagsanyn mudooyinkii dambe, waxaana Khilaafkooda hadda uu gaarey meeshii ugu sareysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM