Maxaa Soomaaliya ka hortaagan buuxinta shuruudaha dayn cafinta?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa caalamka u bandhigtay codsi ku aadan in laga cafiyo malaayiin dollar oo ay dayn ahaan ugu leeyihiin dalal dhowr ah.

Lacagtaasi oo ay qaateen xukuumadihii talada isaga kala dambeeyay ayaa gaareysa wadar ahaan aduun lacageed dhan 4.6 milyan oo dollar.

Dowladda ayaa dalabyadaasi u gudbisay ururo ay ku jiraan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jamaacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaam-ka.

Arjiga ugu badan ee dalka ku yaalla Geeska Afrika waxa uu yahay in ururadaasi ay codkooda ku taageeraan, maadaama ay daynta "caqabad ku tahay horumarka wadanka".

Kahor inta aysan ol'olalahaan bilaabin xukuumada, waxay heshiis la gashay dalalka deynta ku leh, Bankiga Aduunka iyo Hay’addaha lacagta dunida ee IMF.

Sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta Soomaaliya, dhinacyada ayaa isla meel-dhigay shuruudo mid kasta looga baahan yahay in uu buuxiyo.

Dhowr illo-wareed ayaa xaqiijiyay in waqtiga loo qabtay dowladda si ay u soo buuxiso shuruudahaasi ay ku egtay dhamaadka bishaan Maaj 2019.

Xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan in shuruudaha ay ku jiraan; kobcinta dakhliga gudaha, dhaqaalaha, ciribtirka musuqa, hagaajinta hanaanka maaliyada iyo kuwa kale.

Wasaarada Maaliyada oo fulinta dhamaan shuruudahaasi mas'uuliyad ka saaran tahay ayaa ku guuleystay fulinta qaar kamid ah qodobadaasi.

Wasiirka wasaaradaasi, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa Isniinta maanta ah qiray in ay jiraan shuruudo kale oo aysan wali buuxin, loogana baahan yahay in ay fuliyaan kahor maalinta ugu dambeysa.

"12 maalmood ayaa bishii ka harsan mana oran karno shuruudihii waan dhameynay, balse waanu dhameyn doonaa," ayuu xusay.

Mr Bayle ayaa nan shaacin sababta keentay in ay ku guuldareystaan dhameystirka shuruudahaasi, maadaama waqtiga uu gabaabsi ka yahay.

Hasayeeshee, khuburada ayaa sababta dib u dhaca dhalisay ku tilmaamay in xubnaha ku howlan arrinkaan aysan siinin tix-gelintii ay u baahneed ayna ku mashquuleen siyaasad.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya iyadda oo bisha soo aadan ee April la filayo in magaaladda Washington caasimada Mareykanka uu ka dhaco shir looga hadlayo dayn cafinta Soomaaliya.

Shirkaasi oo dhinacyada ay quseyso arrintaan ay kasoo qeyb galayaan ayaa si lamid ah lagu qiimeyn doonaa shuruudihii xukuumada la hor-dhigay, hadii ay fulisay, waxa ka harsan iyo talaabooyinka xiga.

Ugu dambeyntii, wasiirka maaliyada Soomaaliya ayaa kalsooni wayn ka muujiyay in shirkaasi go’aanka kasoo baxayo uu noqdo mid dalka daynta looga cafinayo, inaksta oo uusan meesha ka saarin in ay wax isbedali karaan.

"Qolooyinka daynta nagu leh iyaga ayaa go’aanka iska leh, haday rabaan dhinacaa bay ka mari karaan [way diidi karaan] balse aduunka heshiis baa ka dhaxeeya," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA BAYLE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM