Maxay Farmaajo iyo Abiy Axmed uga hadleen kulankooda gaarka?

Image
Image

ADDIS ABABA - Madaxwaynaha Somalia iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulan gaar ah waxay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka aan badda lahayn.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa kulankooda wuxuu qabsoomay markii ay uu soo gabagaboobay shirkii 32aad ee ururka Midowga Afrika, kaasi oo Axadii furmay.

Wakaalada wararka u faafisa Ethiopia ee FANA ayaa ku warameysa in hogaamiyaasha ay kawada hadleen qodobo ay ku jiraan cilaaqaadka labada dowladood, sidii loo xoojin lahaa iyo horumarka qaarada.

Farmaajo oo ka hadlay shirka AU-da kaasi oo uu ka qaybgalay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay hogaamiyaasha Afrika in lala yimaado siyaasad wax loogu qabanayo Barakacyaasha.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Farmaajo iyo Abiy ay isla soo qaadeen arrimo la xiriira ciidamada midowga Afrika ee AMISOM, kaasi oo horaantii bishaan taliye looga dhigay sarkaal Itoobiyaan.

Dhanka kale, Abiy ayaa la fariistay Ismaaciil Cumar Geelle, madaxwaynaha Jabuuti, kaasi oo dowladiisu la tilmaamayo in ay ka xumaatay la wareegista Itoobiya ee taliska AMISOM, wallow aanan wali soo ban-bixin.

Tani ayaa imaanaya iyada oo Jabuuti aanu qayb ka ahayn Iskaashi saddex geesood ah, kaasi oo ay kala saxiixdeen Somalia, Ethiopia iyo Eritrea oo ku saabsan amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maal-gashiga.

Dadka naqdiya siyaasada maamulka Farmaajo ayaa ku dhaliilaya inuu garab maray Jabuuti oo garab taagneed Somalia tan iyo burburka uu wadanka kasoo kabsanayo, inkasta labada dowladood ay sheegeen inuu xiriirkoodu hagaagsan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM