Maxay isku qabteen Al-Shabab iyo Mukhtaar Roobow? [Warbixin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Al-Shabab Cali Dheere ayaa sharaxaad ka bixiyay sababihii ay isku khilaafeen ku xigeenkii Amiirka Kooxda Mukhtaar Roobow oo dowladda isku soo dhiibay bishii August ee sanadkii tagey.

Cali Dheere ayaa sheegay in Al-Shabab ay baaritaan dheer ay ku sameysay Robow ay ku ogaatey inuu xiriir qarsoodi ah la lahaa Hay'adaha Shisheeye ee ka howlgala deegaanada ay Kooxda maamusho.

Roobow iyo Al-Shabab khilaafkooda ayaa soo ifbaxay 2013-kii markii Axmed Godane uu amray in la dilo dhamaan hogaamiyaashii u janjeeray in wadahadal lala galo beesha caalamka iyo dowladdii hore.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Mukhtaar Roobow ku goodin jiray inuu ka baxayo Al-Shabab, kana hadlayo warbaahinta, kana dhaleeceynayo hadaan looyeelin sida uu doonayay.

Cali Dheere ayaa xusay in Al-Shabab markii ay ogaatey in Hay'adaha Reer Galbeedka howlahooda faafinta dhaqanka iyo diinta gaalada sida uu hadalka u dhigay ay kasoo eryeen goobaha ay maamulaan.

Wuxuu tilmaamay in Roobow uu ka xumaaday go'aanka Al-Shabab ee Hay'adaha lagu eryay, isagoo markiina wixii ka dambeeyay billaabey talloobin ka dhan ah Kooxda, oo uu garab kale ku aas-aasayo.

Al-Shabab ayaa weerar ku qaadey Roobow iyo hogaamiyaal kale oo Xasan Daahir iyo Ibraahim Afghan kamid ahaayeen xilli ay ku shirayeen magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose 2013-kii.

Weerarka ayaa lagu dilay Ibraahim Afghan oo kamid ahaa aas-aasiyaashii Al-Shabab, iyadoo Xasan Daahir iyo Mukhtaar Roobow ay si dirqi ah uga badbaadeen in la qaarijiyo, iyagoo usoo cararay dhanka deegaanada ay maamusho dowladda.

Malleeshiyaad uu wato Mukhtaar Roobow ayaa dagaallo kula galay deegaan lagu magacaabo Abal oo ku dhaw Xudur, iyadoo Al-Shabab ay halkaasi dhawaan ku dileen wiil uu dhalay oo hogaaminayay ciidankiisa xilli uu Muqdisho kusoo maqnaa Roobow.

Hadalka Cali Dheere ayaa kusoo beegmaya xilli Roobow hadda dhaq-dhaqaaq ciidan oo ka dhan ah Al-Shabab kawado deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, isagoo taageero ka helaya dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiiskii soo saarista Shidaalka ee Turkiga

Heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay ka caawiso Soomaaliya dhanka wax soo saarka shidaalka.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 06:12PM

Farmaajo oo dib ugu laabtay Caasimadda Qatar ee Dooxa

Madaxweynihii hore ayaa toddobaadyo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 12:11PM