Maxay tahay sababta loo dilo darawalada Bajaajka ee Muqdisho?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Askar la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya oo joogay bar-koontarool oo ku taalla isgoyska degamada Howl-Wadaag ayaa dil u geystay labo wiil oo mid ka mid ah uu ahaa darwal bajaaj halka kan kalena uu ahaa qof la saarnaa bajaajta.

Goobjoogayaal BBC la hadlay ayaa sheegay in dilka loo geystay wiilka koowaad uu ka dhacay meel u dhow isgoyska wadada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa dhacay kaddib markii askarigu uu u sheegay wiilka waday bajaajta inuu dib u laabto, balse wiilka geeriyooday ayaa la sheegay inuu ku wargeliyay askariga inuu kusii jeedo hoygiisa oo ku yaalla nawaaxigaasi.

Cabdulaahi Maxamed Cismaan, oo ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysato bajaajta ayaa BBC u sheegay in wiilka geeriyooday iyo askariga uu hadal dhexmaray.

''Askariga ayaa u sheegay wiilka geeriyooday inuusan mari karin wadada balse wiilka ayaa u sheegay inuu kusii jeedo gurigiisa''. Ayuu yiri Cabdulaahi Maxamed Cismaan oo bajaajle ah.

Dilka wiilka labaad ee isna saarnaa bajaajta ayaa la sheegay inuu isla goobta ka dhacay, waxaana la sheegay in askari kale uu xabad ku dhuftay.

Dilka labada wiil loo geystay kaddib ayaa waxaa si degdeg ah ku bilwoday dibadbaxyo wato rabshado kuwaasi oo ay dhigayaan darawalada bajaajta iyaga oo codsanaya laamaha amaanka in askarta dilka geystay lasoo qabto.

Dibadbaxyada oo ay dhigayaan dhalinyarada ku shaqeysato bajaajta ayaa haatan ka soconaya Wadada Wadnaha, waxayna si weyn uga careysan yihiin dilalka xad-dhaafka ah ee marwalba loo geysto dhalinyarada ka xeyso bajaajta.

Dilalka loo geysto darawalada mooto bajaajta ayaa mar walba ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay dil 1 bishan April loo geystay wiil bajaajle ahaa, kaasi oo dhaliyay dibadbaxyo xooggan oo sababay in wadada KM4 ay xiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, ayaa horey ula kulmay dhalinyarada bajaajleyda ah kuwaasi oo dibadbaxyo sameyneysay horaatnii bishan kaddib markii sidaan oo kale askari ka mid ah ciidanka uu dil u geystay wiil bajaajle ahaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo muuqaal iska soo duubay ayaa xiligaasi cambaareeyay dilka darawalka mooto bajaajka, waxaana uu ku amray Ciidamada ammaanka in gacanta lagu soo dhigo askarigii dilkaasi ka dambeeyay.

Engineer Yariisow oo markale maanta ka hadlay dilka loo geystay wiilka bajaajlaha ah iyo dibadbaxyada ay dhigayaan dhaliyarnada ayaa sheegay in xaalka la dejiyo.

"Fadlan dhalinyarada Bajaajleyda ha illaaliyaan nidaamka oo dadka ku dhexdhuumanaya ee rabshadaha wada ha iska fogeeyaan, si nabad ah aan shucuurteenau muujino, waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii ay ka geeriyoodeen labada marxuum"ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Waxyaabaha sababa dilalka ay askartu u geystaan dhalinyarada ku shaqeysato gaadiidka bajaajka ayaa la sheegayaa inay ka mid yihiin wadooyinka oo xiran iyo askarta oo ah kuwa baqaya.

In badan ayaana dhalinyaradu sidaan oo kale waxay sameeyeen dibadbaxyo, waxaana la hadlo oo dejiyo maamulka gobolka Banaadir.

Abuukar Axmed Abuukar oo ka mid ah dhalinyarada bajaajleyda ha ayaa BBC u sheegay in inta badan dilalka ayaa dhaca marka ay dhalinyaradu soo gaaraan goobaha bar-koontaroolada ah ee askartu fadhiso.

''Dhalinyarada bajaajka markay wadaan sameecado ayaa dhagaha ugu jiro qaarkood, ninka askariga ahna waa uu baqayaa marka markii uu joojiyo yiraahdo haddii uusan maqlin xabad ayuu ku dhufanayaa''. Ayuu yiri Abuukar

Bilihii lasoo dhaafay, waxaa aad u batay dhalinyarada ku xamaalato bajaajka ee ku dhinta gacanta askarta dowladda.

Sikasataba, ciidamada ka tirsan dowladda Soomaaliya ee geysta falalka dilka ah ee lagu dilo dhalinyarada bajaajka ayaa baxsado, mana jirto ilaa iyo haatan askari lasoo qabtay oo cadaaladda la horgeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM