Maxbuus ku dhintay Xabsi Dhexe ee Xamar [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxbuuskaan oo ku jiray Xabsiga dhexe ee Xamar, ayaa waxaa lagu magacaabayay Burhaan Cali Jimcaale, sida ay Warsidaha Garowe Online u sheegeen saraakiil ka tirsan Xabsiga.

Marxuum Jimcaale ayaa waxaa la sheegay inuu ku jiray Xabsiga tan 2014-kii, islamarkaana lagu xukumay Xabsi daa'in, inkastoo uu mudooyinkii dambe ahaa qof xanuunsanayay.

Sida uu xaqiijiyay Maxamed Cumar oo ah taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar, Marxuumka waxaa laga helay cudurka TP-da, kaasoo uu tilmaamay inay wadeen maalmihii udambeeyay sidii ay uga wayn lahaayeen.

"Geeridu waa xaq. Inaga ahaan, waan sameynay dadaalo si aan wax uga qabano xaaladiisa caafimaad, waxaana laga helay cudurka TP-da," ayuu Taliye Cumar u sheegay warbaahinta Muqdisho.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Marxuumka la filayo in meydkiisa lagu wareejiyo qoyskiisa si ay u aastaan, inkasta oo laga yaabo inay aasaan saraakiisha Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Ma cadda dambiga lagu soo eedeeyay Burhaan Cali Jimcaale ee loogu xukumay Xabsi daa'inka, iyadoo mar wax laga weydiiyay taliye Maxamed Cumar arrinkaas uu ka gaabsaday.

Ma ahan markii ugu horeysay oo xabsiga dhexe ee Xamar uu ku dhex-dhinto Maxbuus, maadaama horey looga soo wariyay kiisas noocaan ah, kuwaasoo ahaa in Muxbuus ay ugu dhinteen xanuuno haleelay, oo la daaweyn karo.

Xabsiga dhexe ee Muqdisho oo ay ku xiran yihiin dad badan oo Maxkamadaha dowladda ku riday xukunno kale duwan, oo isugu jira; falal argagixiso, xatooyo iyo eedaymo kale, ayaanan lahayn adeeg caafimaad oo wanaagsan, oo loo fidiyo maxaabiista xanuunsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM