Maxkamada ciidanka Soomaaliya oo laashay xukunnadii lagu riday Tahliil

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamada ciidamada ee dowlada federaalka waxaa maanta kasoo muuqday Cabdirisaaq Xuseen Tahliil [Ina Calool Geel] oo ay horey xukuno ugu rideen maxkamadaha Puntland.

Tahliil, madaxii Amniyaadka iyo Dhaqaalaha Gobolka Mudug ee kooxda Al-Shabaab, ayay ciidamada amaanka Puntland ku qabteen bishii November 2012 magaalada Gaalkacyo, isaga oo watay gaari ay u saaran yihiin qaraxyo.

Maxkamada ciidamada dowlada Puntland ayaa xukun dil ah ku xukuntay Tahliil, oo lagu soo eedeeyay Shabaabnimo iyo qaraxyo lagu weeraray dowlada Hoose iyo Isbitaalka degmada Galkacayo.

Bishii November 2014-kii, madaxwayne Cabdiwali Gaas ayaa amar ku bixiyay in lasii daayo eedaysane Tahliil oo aanan wali lagu fulin xukunka dilka ah, sababo ku aadan muran ka dhashay kiiska loo haysto.

Mareykanka oo 2017-kii xaqiijiyay in uu ka qayb-qaatay howlgalka lagu soo qabtay Tahliil ayaa ku tilmaamay mid dhabar jab ku noqoneyso howlgalada argagixisada ka geystaan degaanada Puntland.

Bishii November 2018 ayaa si rasmi ah kiiska Tahliil loogu soo wareejiyay maxkamada milatariga ee fadhigeedu yahay Muqdisho, halkaasi oo haatan ay ka socoto maxkamadeyntiisa oo maanta bilaabatay.

Xeer-ilaalinta federaalka ayaa maxkamada horkeentay qaar kamid ah eedaymaha loo haysto Tahliil oo ay kamid tahay in uu ka tirsan yahay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida iyo isku day maquuninta mar-qaatiyaasha.

Qareenada difaacaya eedaysanaha ayaa ku doodaya in uusan wax khalad uusan sameynin Tahliil, ayna soo qabteen xoogaga dowlada isaga oo ku guda jira howlahiisa shaqo oo ah ganacsi.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha afka dowladda, maxkamada ayaa gabi ahaanba laashay dhamaan xukunadii ay horey ugu rideen maxkamadaha Puntland oo ahaa dil iyo in lasii daayo.

Liibaan Cali Yarow, gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida, oo fadhiga maxkamada soo xiray ayaa ka codsaday xeer-ilaalinta in ay la timaado caddeyo muujinaya gal-dacwadeedka ka dhanka ah Tahliil.

"Goorta uu dhacayo fadhiga kale maxkamadda ayaa dib kasoo sheegi doonta," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Janaraal Liibaan, oo raacaya cadooyinka maxkamada ee aan la shaacin xiliyada kulamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM