Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku xukuntay Sarkaal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa waxay xukun dil toogasho ah ku riday eedeysane Xidigle Xoogga Dalka, Mowliid Cali Cabdi, sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay Garsoorka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in xukunkaan uu ka dambeeyay markii Eedaysane Mowliid lagu soo eedeeyay inuu "si ula kac ah" uu u dilay Dable Axmed Nuur Xuseen, oo kamid ahaa Ciidamada Xoogga dalka.

Warka ayaa lagu sheegay in eedaysanaha uu qirtay inuu falkaan geystay, islamarkaana dacwad oogayaasha ay horkeeneen Maxkamadda caddeymo ku saabsan inuu dilkaan u geystay si bareer ah.

"Marqaatiil ah Askar ah, kuwaasoo ku marag furay inuu Mowliid isaga dilay, uuna ku dhuftay Rasaas, ayaa la horkeenay maxkamada kuna marag kacay, Eedaysanaha," ayaa qoraalka lagu yiri.

Qareenadii udoodeysay eedaysanaha hadda la xukumay ayaa sheegay in Mowliid uu dilkaan ugeystay isagoo difaacayey nafsadiisa, waxayna qiil kaga dhigteen in uu ka da’weyna, ayna ka xun yihiin siday wax udhaceen.

"Waxaan diyaar unahay in la bixiyo magta marxuumka," ayey hadalkooda kusii dareen Qareenadda.

Laakiin, garsoorayaasha maxkamada ayaa "ku qanci waayey" dooda, sida laga soo xigtay nuqul kamid ah bayaanka, waxayna go'aan sadeen in dil toogasho lagu xukumaan Xidigle Xoogga Dalka Mowliid Cali Cabdi.

"Xukunka waa qiyaasta Marxuum, Ex-Dable Axmed Nuur Xuseen oo ay ka wada tirsanaayeen Urur ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed," ayaa laga soo xigtay War-saxaafadeed.

Ugu dambeyn, maxkamadda ayaa waxay sheegtay in Qareenada iyo Eedaysanaha ay u furan tahay inay Racfaan ay ka qaadan karaan xukunkaan dilka toogashadda ah, hadii aysan ku qanacsaneen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM