Maxkamadda gobolka Banaadir oo fasaxday CC Shakuur [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqday in aan wax dembi ah lagu helin Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxayna go'aamisay in la sii daayo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxay Xeer Ilaalinta kusoo eedaysay inuu qeyb ka ahaa abaabul lagu waday Gurigiisa oo la doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne Farmaajo.

Kadib markii ay Maxkamadda dhageysatay eedaha loo soo jeediyay Siyaasigan, ayaa waxay shaacisay in aan jirin wax cadeyn ah oo muujinaya dembiyada lagu soo xiray CC Shakuur.

Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir, Aweys Sheekh Cabdullahi ayaa dhaaciyay in CC Shakuur wixii maanta ka dambeeya uu yahay qof xur ah, islamarkaana lagu waayay dhamaan eedaymihii lagu soo xiray markii hore.

Xalay ayaa CC Shakuur lagu soo daayay damaanad, iyadoo saakay dib loogu celiyay Maxkamadda oo maanta laga sugayay Xeer Ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir cadeymo ku aadan kiiska, iyadoo oo 48 saac loo qabtay shalay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur xarigiisa waxay Maxkamaddu sheegtay in aan loo marin sifo sharci ah, oo aan loo haysan warqad maxkamadeed. weerarkii lagu qaaday Gurigiisa CC Shakuur 18-kii bishan waxaa fulisay NISA oo 6 kamid ah ilaalladiisa dishay.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM