Maxkamadeynta dadkii dilay Axmed Dowlo oo ka bilaabatay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamada gobolka Banaadir ayaa bilowday maanta oo Arbaco ah dhageysiga kiiska Axmed Dowlo, oo lagu dilay kadibna lagu gubay degmada Yaaqshiid, bishii September sanadkii tegay 2018-ka.

Ku dhowaad toban ruux ayaa kasoo muuqatay maxkamadda oo ku taala Muqdisho kuwaasi oo ay ku jiraan haween, sidda ay xaqiijiyeen dacwad oogayaasha oo tilmaamay in gebigooda ay isku eedo yihiin.

Dilka Axmed Mukhtaar Dowlo ayaa yimid markii wiil uu adeer u ahaa uu guursaday gabar ay deris ahaayeen balse qoyskeeda uusan raali la ahayn, taasi oo dhalisay in gacan ka hadal uu yimaado.

Sidda ay sheegeen goobjoogayaal iyo dadka degaanka, marxuum Axmed Dowlo ayaa lagala soo baxay geerish uu lahaa, waxaana la qabad-siiyay dab kahor inta aanan jirdil xoogan loo geysan.

Hooyada dhashay gabadha ayaa kamida dadka maanta maxkamada lasoo taagay, kuwaasi oo ku doodaya in aysan sameynin wax khalad ah, wallow xeer-ilaalinta kusoo oogtay dacwad ah dil iyo jinsi faquuq.

Kiiskaan oo hadalhayn xoogan ay ka dhalatay ayaa u muuqda mid uu hoos u dhacay saameyntiisa. Intaasi waxaa wehlisa in aanan wali la ogayn halka ay cirib iyo jaan dhigeen lamaanihii loo baxshay kuwi qarniga.

Dowlada Soomaaliya oo cambaareysay dilka Axmed Dowlo ayaa waxay ku adkeystay in ay cadaaladda wajihi doonan kuwii falka sameeyay, oo dhamaantooda kasoo jeeda qoyska Gabadha.

Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa sababay in qabaa'ilada qaar ay isku arkaan in ay ka sareeyaan kuwa kale, taasi oo xitaa nidaamka siyaasada saameysay, inkasta oo dadka aysan isku raac-saneen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM