Maye oo shaaciyay cidda hurineysa qalalaasaha Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Ku-simaha Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, C/qaadir Shariif Sheekhunaa [Maye] ayaa shaaciyay in dibad-baxyadda rabshadaha wata ee saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Baydhabo ay hurinayaa dad dano gaar ah ka leh.

Afhayeenka Gollaha Wakiiladda Koonfur Galbeed oo aanan magac-dhabin shaqsiyaadka uu eedeeyay ayaa ku nuux-nuux saday inay ku oor-kac-sanayaa xariga Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur].

Maye oo luqad adag ku hadlaya ayaa hoosta ka xariiqay inay ku qaban-doonan xubnahaasi gacan-bir ah, isaga oo ku waaniyay inay joojiyaan olalaha ay uga abuurayaan hawiga qalafsan caasimada KMG maamulkaan.

Xiisadda ka dhalatay xariga Mukhtaar Roobow, oo kamid ahaa Mushariixiinta ugu cad-cad doorashada loo balansan yahay 19-ka bishaan December, ayuu Gudoomiye Maye balanqaaday in xal laga gaari doono.

“Shacabka badankooda waa kuwa wanaagsan..Balse, waxaa jira inyar oo ka faa’idaysanaya xaaladda [oo hurinaya]…Waxaana ugu baaqaynaa inay ka waan-toobaan..Hadii kale gacan adag ayaa lagu qabanayaa,” ayuu yiri.

Khamiistii lasoo dhaafay ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay Abuu Mansuur kasoo xirtay Baydhabo ee xarun goboleedka Bay, waxaana tan iyo xilligaasi xaaladda magaalada ay ahayd mid aad u kacsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xarigga Ugbaad Aragsan, aargoosi Siyaasadeed mise ka hortag dhaqan xumo?

Booliska Somaliland ayaa talaadadii Ugbaad ka soo qabtay mehrad ganacsi oo ay Hargeysa ku lahayd..

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 06:23AM

Xasan Sheekh oo gudoomiyay Shirka Amniga Gobolka Benaadir xilli uu walaac jiro

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS, Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 12:02PM