Meydadka xirfadlayaal caafimaad oo la helay oo lala xiriiriyey ciidanka DF

Image

JOWHAR, HirShabelle – Meydadka illaa sideed [8] dhalinyarro ah ayaa waxaa lagu waramay in Khamiista maanta ah lasoo dhigay degaanka Gololey oo sideed [8] KM u jira degmadda Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Illo wareedyo degaanka ah ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in da'yartaas laga qafaashay tuulada shalay. Qaarkood waxay ka shaqeynayeen xarun caafimaad, MCH, oo halkaas ku taala.

Qaar kale waxay kamid ahaa dadka degaanka, hase ahaatee, waxay saaxiibo la ahaayeen xirfadlayaasha kale ee caafimaad, sidda ay xogta caddeyneyso.

Xilli aan la ogeyn sababta dhabta ah ee loo bartilmaameedsaday iyo cidda ka dambeysay, fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in jirkooda uu ka muuqdo jirdil iyo rasaas.

Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa laba kamid ah magacyada dhalintaas ku sheegtay: Cabdirisaaq Cabdullaahi Qobleey iyo Cumar Xuuti Filfil – Labadooda waxay caan ka ahaayeen Gololey.

Saraakiil ka tirsan maamulka HirShabelle oo si hoose ula hadlay GO ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan dhacdadaan, balse waxay ka mideysnaayeen in ay ku tuhmayaan xoogaga Al-Shabaab.

"Waxay noqon kartaa in ay ku cabsi-gelinayaan dadka degaanka oo muddooyinkii dambe bilaabay in ay kala shaqeeyaan maamulka ololaha ka hortagga Covid-19 iyo horumarka," ayuu yiri midkood.

Hase ahaatee, Mahad Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya, ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray in ciidamadda dowladda ay shalay degaanka ka wateen dhalinyaradaas.

"Deegaanka Gololey ee hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhaxe ayaa la sheegayaa in Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay ka afduubteen 9 qofood dhalinyaro ah oo ka shaqeynayay xarun caafimaad oo halkaas ku taala kadibna ay xasuuqeen," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waan cambaareynaynaa falkaan argagixiso ee ciidamada dowlada ka geysteen deegaanka Gololey waxaanan ku baaqaynaa in si degdeg ah cadaalada loo horkeeno ciidamadii iyo saraakiishii xasuuqaan bini-adamnimada ka baxsan geystay".

Ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashooyinka labada dhinac. Laamaha ammaanka maamulka HirShabelle wali kama jawaabin eedeynta sharci-dejiyaha.

Shabeellaha Dhexe wuxuu kamid yahay gobolada fara ku tiriska ah ee joogitaanka badan ay ku leedahay kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida isla markaana dharaar cad ay ka fulin karto falalka ay isku soo dabarido.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM