Meydka weriye Soomaali ah oo laga helay Xeebaha Masar

Image

Weriyaha dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Al-caddaala kaasoo horay uga soo shaqeeyey xarumo warbaahin oo kala duwan, ayaa la sheegay in uu geeriyooday kaddib markii doonidii uu la socday ay qallibmatay, iyadoo sidoo kale la helay meydadka labo qof oo kale oo u dhashay dalka Suudaan oo iyaguna saarnaa doonida qallibmatay.

Mas'uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar ayaa xukuumadda dalka Masar ka codsatay in lagu soo wareejiyo meydka weriyaha geeriyooday si jaaliyada Soomaalida ah ee halkaasi ku nool ay  aas ugu sameeyaan.

Dhinaca kale laammaha ammaanka ee dalka Masar ayaa xabsiga ku taxaabay 120 qof oo Soomaali ah, kuwaasoo la sheegay in ay damacsanaayeen in ay ka tahriibaan dalka Masar.

XIGASHO: VOA

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM