Mid kamid ah Dekadaha Itoobiya maalgashaneyso oo la shaaciyay

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa  si wayn uu usoo dhaweeyay heshiisyadii ay wada galeen Sabtidii Soomaaliya iyo Itoobiya.

Heshiisyadaan oo kala saxiixdeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, ayuu Waare ku tilmaamay mid maamulkiisa dan dhaqaale ugu jirto.

Wuxuu ku dooday inuu bog cusub u furayo xiriirka iyo waliba kobcida dhaqaalaha Soomaaliya iyo waliba deegaanada maamulkiisa, kaasoo Xuduud dheer la leh dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Hogaamiyaha HirShabelle, wuxuu si gaar ah u bogaadiyay qodobka sheegaya in Itoobiya iyo Soomaaliya ay si wadajir ah uwada maalgeshan doonan Afar dekadood oo aan la magacaabin.

Balse, Madaxweyne Waare ayaa wuxuu sheegay inuu filayo in mid kamid ah dekadaha ay maal-geshaneyso Itoobiya ay tahay Cadalle, oo tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

"Runtii waa heshiis aad u mudan in lasoo dhaweeyo, waxaana filaynaa inay wax badan ka bedasho dhaqaalaha HirShabelle iyo midka Umadda Soomaaliyeed," ayuu u sheegay Waare warbaahinta dowladda.

Laguma sheegin magacyada Dekedaha Itoobiya maalgashiga ku sameynayso war-murtiyeedkii ay sida wadajir ah usoo saareen Farmaajo iyo Abiy Axmed kadib kulankoodii sabtida ee ka dhacay Muqdisho.

HirShabeelle ayaa noqonaya maamulkii ugu horeeyay ee kamid ah kuwa dalka ka jira ee soo dhaweeya heshiiska ay dhawaan kala saxiixdeen Itoobiya iyo Soomaaliya, inkastoo kuwa kale aysan wali ka hadal.

Waare ayaa la rumeysan yahay inuu ku jiro xubnaha sida wayn ugu xiran Madaxtooyadda Soomaaliya, islamarkaana xiriir aad u wanagasan la leh, inkastoo maamulada kale ee dalka uusan fiicneyn xiriirka Villa Soomaaliya la leeyihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM