Midowga Afrika oo iska fogeeyay eedaha HRW

Image

Sept 9, 2014 (Garowe Online)- Qoraal kasoo baxay xarunta Midowga Afrika ayaa lagu beeniyey eedaymo loosoo jeediyey ciidamada AMISOM, kuwaasoo lagu sheegay warbixin ay shalay soo saartay  hay'adda xaquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch (HRW).

Warbixinta HRW oo ka koobnayd 71 bog, waxaa lagu soo bandhigay kiisas badan oo iskugu jira kufsi iyo tacadiyo kale oo jinsiga la xiriira, kuwaasoo askar ka tirsan ciidamada Burundi iyo Uganda ee qaybta ka ah AMISOM ay u geysteen haween Soomaaliyeed oo gargaar daawooyin iyo cunto isugu jira u raadsan jirey saldhigyada ciidanka AMISOM.

Midowga Afrika ayaa warbixinta ay hay'addaasi soo saartay ku tilmaamay mid aan dhamaystirnayn oo lagu ceebaynayo ciidanka AMISOM, haseyeeshee haddiiba kiisaska qaarkood ay run yihiin baaritaan lagu samayn doono, askarta dambigaas lagu helana sharciga la marsiin doono.

21 haween ah oo HRW ay la hadashay ayaa sheegay in la kufsaday , haweenkaas qaarkood da'doodu waxay ka yar tahay 15-sano. Kiisaska ay hay'addu dabagashay oo toban gaaraya waxay dhaceen intii u dhexeysey bilowgii sanadkan 2014 ilaa dhamaadkii sanadkii hore ee 2013.

Madaxda dowladda Federaalku kama aysan hadlin kufsiga ciidanka AMISOM kula kaceen Haweenka Muqdisho qaarkood, mana ahan markii ugu horreysey ee eedayn noocan oo kale ah loosoo jeediyo ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda Midowga Afrika ee ku sugan koonfurta Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askari oo ka kala yimid  dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia, Sierra Leone iyo  Djibouti. Howsha ciidamadaasi waa sidii ay Dowladda Federaalka gacan uga siin lahaayeen dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, soo celinta ammaanka iyo xasilloonidana ay uga qayb qaadan lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM