Midowga Afrika oo baadigoobaya xogta shirkii burburay ee Garowe

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Afrika ayaa wuxuu "doon-doonayaa" xog ku saabsan shirkii burburay ee Garowe, sidda uu ka dhawaajiyey Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Shaacinta ayaa waxay timid ka gedaal markii Isniinta maanta ah magaalada Muqdisho, caasimadda waddanka ay kulan ku yeesheen wakiilka AU-da ee Soomaaliya iyo afhayeenka Golaha Senate-ka.

Danjire Francisco Madeira iyo gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sidoo kale waxay isla soo qaadeen isbedal lagu sameeyay waajibaadka AMISOM kaasi oo hal sano loogu kordhiyey joogitaankooda dalka.

"Danjire Francisco Madeira ayaa weydiiyay [Gudoomiyaha] macluumaad ku saabsan Shirka Garowe ee madaxda dowlada iyo maamulada xubnaha ka ah federaalka," ayaa lagu yiri qoraal uu Aqalka Sare soo saarey.

Balse bayaanka laguma caddeyn hadii uu Mr Xaashi siiyey madaxda howlgalka AMISOM fahfaahinta uu baadigoobayo iyo mowqifka Aqalka Sare uu ka taagan yahay is-mariwaaga hogaamiyeyaasha siyaasada dalka.

"Sidoo kale waxaa [kulanka] looga hadlay arrinta dowlada-maamula iyo khilaafka Galmudug-[Villa Soomaaliya] iyo sida xalinteeda looga qeyb qaadana lahaa," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Muddo todobaad ah oo uu socday kulankii dowlada iyo maamulada ayaa kusoo idlaadey fashil markii xukuumada ay diiday in ay garwoshiyo ka bixiso qodobo ay cabasho ka keeneen dowladaha xubnaha ka ah.

Arrimaha dowlad goboleedyada ay ashtakada ka keeneen waxaa ku jira sharciyada Doorashooyinka, Bartoolka iyo Canshuuraha kuwaasi oo ay sheegeen in gebigoodba aanan wax talo ah laga gelin.

Deeqaha laga helo caalamka iyo khilaafka Galmudug kala dhaxeeya Madaxtooyadda ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa arrimihii sababay in lagu kala dhaqaaqo Isu-imaatinkaasi oo rajo badan laga qabay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Galmudug iyo Puntland kadib shirkaasi waxay sheegeen in ay hakiyeen wadashaqeyntii dowlada oo ay ku eedeeyeen "federaal diidnimo iyo awood-maroosasho".

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, oo kulanka kadib dib ugu laabtay Kismaayo ayaa tibaaxay in Beesha Caalamka ay ku kala qeybsantay is-qabqabsiga maamulada iyo dowlada.

Falanqeeyayaasha ayaa fashilka ku yimid kulankaasi ku sifeeyeen "fursad dahabi ah oo ka khasaartay dalka" maadaama ay ahayd markii ugu horeysay oo ay miiska wadahadalka isugu yimaadaan tan iyo sanadkii hore.

"Ugu danbeeyntii, waxaa kulanka [Cabdi Xaashi iyo Madeira] looga hadlay arrimo ku saabsan Guddiga Doorashooyinka ayadoona la isku waafaqay in la joogteeyo Xirrirka labada dhinac," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Axadii ayey ahayd markii uu wakiilka Midowga Afrika uu la shiray madaxweyne Farmaajo iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal, isaga oo kala hadlay xaalada guud ee dalka iyo doorka AMISOM ee xasilinta Soomaaliya.

Baadigoobka Madeira ee xogta kulankii Garowe ayaa imaaneysa xili ay socdaan dedaalo la isugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada ayna mudo xileedka xukuumada ay ka harsan tahay sanad iyo bilooyin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM