Mooshin ka dhan ah Ra'iisul Wasaaraha oo baarlamaanka loo gudbiyey

Image

November 6, 2014 (GO)- Mooshin ka dhan ah Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed ayaa galabta loo gudbiyey guddoonka Baarlamaanka Dowlada Federaalka.

Lama oga ilaa io hadda tirada rasmiga ah ee xildhibaanada saxiixay mooshinka haseyeeshee sida wararka hordhaca ah lagu helayo ku dhowaad 100 xildhibaan ayaa ogolaaday.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari wuu aqbalay mooshinka, waxayna taasi cadayn u tahay in tirada xildhibaanada soo gudbiyey gaarsiisan tahay inta sharcigu ogolaanayo inay mooshin keeni karaan.

Mooshinka la doonayo in lagu majaxaabiyo Ra'iisul Wasaaraha oo bilihii u dambeeyey qorshihiisu soo socdey, waxaa dabada ka riixaya Madaxweynaha iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa isla galabta u duulay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga qayb geli doono shir madaxda dalalka ku jira urur goboleedka IGAD yeelanayaan.

Biishii December ee sanadkii hore 2013, waxaa mooshin kan oo kale ah kalsoonida loogala laabtay xukuumaddii uu hogaaminayey Ra'iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Arintan ayaa kusoo aadeysa maalmo kadib markii Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka inay khilaafka jira dhex dhexaad ka noqdaan, maadaama laga warhelay in qaar badan oo xildhibaanada kamid ah la laaluushay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM