Mooshin xilka qaadis ah oo laga keenay Farmaajo iyo Mursal oo qabtey [Akhri Qodobada]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaano badan, oo katirsan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa keenay Mooshin xilka qaadis ah, oo ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal ayaa qabtey Mooshinka, kaasoo Xildhibaanada saxiixan wali aan magacyadooda iyo tiradooda la shaacin, balse waxaa lagu qiyaasay inay gaarayaan 92.

Mooshinka Xilka-qaadista ayaa lagu soo bandhigay qodobo dastuuri ah oo lagu eedeeyay Farmaajo inuu jebiyay, kuwaasoo kala ah;

1 - Ku xad-gudubka mabaadii'da iyo shuruudaha Isku-celinta eedeysaniyaasha iyo dembiiliyaasha.
2 - Ku xad-gudubka Xeerka habka ciqaabta Soomaaliyeed,
3 - Ku Xad-gudubka awoodaha iyo xilka Madaxweynaha,
4 - Ku Xad-gudubka mabaadii'da Federaalka, duminta dowlad goboleedyada iyo abaabulka dagaallo sokeeye

5 - Ku xad-gudubka mabaadii'da ciidamada amniga, Xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida iyo go'aanada Golleyaasha Baarlamaanka.

HALKAN KA AKHRI WARQADAHA MOOSHINKA:



GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM