Muddo kororsi loo dalbay ra'iisul wasaare Rooble oo la diidey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag wuxuu uga soo horjeestay muddo kororsi loo dalbay ra'iisul wasaaraha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa wuxuu ku adkeystay in ay doonayaan doorasho waqtigeeda ugu dhacda qaab xor ah.

Dhawaqa wasiirkii hore ee qorsheynta ayaa kusoo hagaagaya maalmo kadib markii Senator Cabdi Xasan Cawaale oo ay isku heeb yihiin Rooble uu iclaamiyey olole uu dheereysi ugu goobayo 57-sano jirkaas.

Qaydiid oo isku dayaya in uu qorshihiisa ku meelmariyo qaab qabiileysan ayaa kulan ka dhacay Muqdisho wuxuu ka tibaaxay in bulshadda ay kasoo jeedaan aanay u cutamin in ay bilooyin hayaan jagadaas.

"Waad og-tihiin aniga ina Farmaajo [madaxweynaha Jamhuuriyadda] wanaag igalama-dhaxeeyo, waxaana u arkaa [in uu yahay]] nin waalan oo been badan, laakiin mar hadii ilaah ka soo qaaday in uu nin beesha ah magacaabay, waa in aanan marnaba ogolanin in uu noqda nin [Ra'iisul Wasaare] afar-biloodle ah oo waqti yar kurisga ku fadhiyay, anagana aan ku karaam," ayuu yiri.

Warsame oo si toos ah ugu jawaabay Qaydiid ayaa ku waaniyey isaga iyo shaqisyaadka lamidka ah in aysan marnaba ku riyoon arrintaas.

"Marka waxaan leeyahay si kaftanaa u sheegayaayee, waxa aan ku kala dhimanayo annaga iyo dadka muddo kororsiga ka cabsanaya meesha ma yaalaan. Waxaan rabnaa doorasho xilligeeda ku dhacda. Waqtigeeda lagu qabta, tii lagu heshiin lahaa ayaan rabnaa, taasaa Soomaali isku wada og-nahay," ayuu ka yiri munaasabad lagu soo dhaweeyay heshiiskii doorashada 2020-21.

Villa Soomaaliya oo ku guuldareystay in ay fuliso balanqaayadii uu ololaha ku galay Farmaajaha waqtiga gabaabsiga ka yahay ayaa damacsan in ay hesho dheereysi ugu yaraan laba sano si ay dib ugu saxdo khaladaadkii ka dhacay.

Qodobadda uu Farmaajo ku guuldareystay waxaa kamid ah; in Al-Shabaab dalka uga xoreeyo laba sano, qabashada doorasho qof iyo cod ah, dhameystirka dastuurka, xasilinta caasimadda iyo qaar kale oo 2017-kii uu balanqaadey.

Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh codka kalsoonida u siiyey ra'iisul wasaare Rooble taasoo la macno ah "in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo saldhigeedu noqon doono sideed [8] qodob".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyay raashiinka uu siin jiray ciidamada Danab

Go'aankan ayaa waxa uu ka dhashay markii madax sarre ay leexsadeen garaamkii loogu talagalay kumaandooska.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:26AM

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM