Muddo xileedka safiirka Soomaaliya ee Jabuuti oo dhamaaday

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Muddo xileedka danjiraha Soomaaliya ee Jabuuti ayaa idlaaday, sidda lagu xaqiijiyey war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda federaalka ah.

Qoraalka oo lasoo dhigay bogaga xiriirka bulshadda ee wasaaradda ayaanan lagu caddeynin cidda bedalaysa Maxamed Cali-Nuur Xaaji oo dhowaan loo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee wasaarada.

Kahor inta uusan kasoo hayaamin Jabuuti, Maxamed, sidda ku xusan bayaanka, ayaa ra'iisul wasaaraha Jabuuti, Abdoulkader Kamil Mohamed wuxuu ka gudoomay biladda ugu sareysa ee waddankaas.

"Billadda, oo ah abaalmarinta ugu sarraysa ee Jabuuti, ayaa loo xidhay Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur, taasi oo ka dhignayd howsha uu qabtay intii uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Jabuuti iyo dadaalkiisa uu ku xoojinayay xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga ee ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah," ayay wasaaradda ku tiri qoraalka.

Danjire Maxamed oo farxad ka muujiyey abaalmarinta la guddoonsiiyey ayaa u mahadceliyey hogaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

"18 June, ayaa Danjire Maxamed Xaaji waxa uu Shahaado Sharaf ka guddoomay Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Dr Workneh Gebeyehu, oo la xiriirtay kaalintiisa gobolka ee nabadda, amniga iyo horumarka," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah ee ay soo saartay wasaaradda.

Bishii Maaj ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii Maxamed Cali-Nuur Xaaji uu la wareegay xilka xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda, isagoo bedelay Maxamed Isxaaq Aadan oo KMG ahaa.

Wasaaradda aanay yeelan Xoghaye joogto tan iyo 26 Janaayo, sanadkii 1991 oo dowladdii dhexe ee dalka ay burburtay xilligaasi.

Cabdullahi Xaaji Cabdiraxmaan "Sayidka" ayaa wuxuu ahaa xoghayihii joogtada ugu dambeeyay Wasaaradda, dhammaadkii 1990.

Tan iyo dib-u-soo-nooleynta shaqadii iyo howlihii Wasaaradda Arimaha Dibadda xilligii dowladihii ku-meelgaarka ahaa laga soo bilaabo 2000 illaa 2012, waxaa maareyn jiray dhowr agaasimeyaal guud.

Tan iyo sanadkii 2013, Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxaa maareeyay sagaal xoghaye joogto kumeel gaar ah, waxaana magacaabida Maxamed ay soo afjartay taxanahaas oo jiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM