XOG: Dowlada Somalia oo xarun safaaradeed ka furatey dalka Ciraaq

Image

16 October, 2015 (GO)- Dowlada Federaalka ayaa maalintii shaley 15 Oct, 2015  si rasmi ah uga furatey xarun safaaradeed dalka Ciraaq iyadoo munaasabadaas goob joog ahaayeen wasiirka arrimaha dibada dalka Somalia, madaxweynaha maamulka Galmudug, wasiirka shidaalka dowlada Federalka,  gudoomiyaha gudiga arimaha dibada u qaabilsan golaha Baarlamaanka Faderaalka iyo safiirka Somalia u fadhiya dalka Kuwait.

Munaasabada lagu furayey safaaradaas oo si aad ah loo soo agaasimey ayaa waxaa kasoo qayb galey sidoo kale safiiro iyo saraakiil ka tirsan wasaarada arrimaha dibada dalka Ciraaq.

Khadiijo Maxamad Al-Maqsuumi oo ah xaaska madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuled ayaa ah safiirka dalka Somalia u fadhiyi doona wadanka Ciraaq. Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sidoo kale goob joog ahaa xafalada furitaanka safaarada dalka Somalia ku yeelan doono wadankaas.

Ambassador Khadiijo Maxamad Al-Maqsuumi 22 June,2015 waraaqihii aqoonsiga gudoonsiisey madaxweynaha dalka Ciraaq kadib markii golaha xukuumada Somalia ansaxiyeen koox safiiro ah oo wadanka Somalia u fadhiyi doonta wadamada dibada ah.

Dowlada Ciraaq oo ay hogaamiso Shiicada wadankaas ayaa  dagaalo ba'an kula jirta ururka Daacish oo ka arimaya magaalo madaxda labaad ee dalkaas ee Mosil halka sidoo kale khilaaf siyaasdeed  u dhexeeyo Suniyiinta laga tiro badan yahay ee dalkaas.

Lama oga muhiimada dalka Somalia u leeyahay furitaanka xarun safaaradeed ay ku yeelato dalka Ciraaq  balse warar ayaa sheegaya iney salka ku hayso dhaqaale dowlada Federaalka ka raadineyso xukuumada Baqdaad.

Warar ayaa jira sheegaya in dowlada Ciraaq siisey dhiwaan dowlada uu madaxweynaha ka yahay mudane Xasan Shiikh shidaal kaasoo dib looga iibiyo ganacsato Somaliyeed.

Sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay waxaa jirey heshiis hore oo u dhexeeyey AHN Maxamad Siyaad Barre iyo AHN Sadam Xuseen kasoo xusayey in dowlada Ciraaq bishii labo jeer siiso Markab Shidaal halka xukuumada baqadaad macdanta Uranuim-ka kaa baaraneyso gobolada dhexe ee Somalia.

Cabdikarim Xuseen Guuleed oo dhowaan loo doortey madaxweynaha maamulka laga dhisey gobolada dhexe ee Somalia ayaa booqashada Baqdaad waxay dadka la socda siyaasada Somalia ku tilmaamayaan iney la xiriirto sidii dib loogu soo celin lahaa heshiisyadaas.

Dowlada Ciraaq ayaa xiriir dhow la leh wadanka Iran oo leh awooda hubka gumaada bini'aadanka ee  Nukliyeerka. Wadanka Iran ayaa dhowaan heshiis aan caga badan ku taagneyn la galey wadamada reer Galbeedka iney ogolaato kormeer lagu sameeyo xarumaheeda soo saara hub khatarta ah halka Tehran badalkeeda heleyso in laga qaado cunaqabateynta saaran.

Munaasabada lagu furayey xarunta safaarada Somalia ku yeelaneyso wadanka Ciraaq ayaa waxey kulmisay wasiirada wasaarada arrimaha dibada Somalia, wasiirka shidaalka dowlada Federaalka iyo gudoomiyaha guddiga arimaha dibada u qaabilsan Barlamanka federaalka oo ah ganacsade kasoo jeeda Koonfurta Somalia.

Daawo Munaasabada lagu furey safaarada dalka Somalia ee wadanka Ciraaq- Xigasho Ibraahim Baafo

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM