Mukhtaar Roobow oo laga dejiyay Muqdisho, loona gacan geliyay NISA

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Mukhtaar Roobow, oo kamid ah Musharixiinta Koonfur Galbeed oo saaka ciidamada Itoobiye ay ku xireen Baydhabo ayaa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Sarkaal katirsan Sirdoonka dowladda Federaalka ayaa uu sheegay Warsidaha Garowe Online in Roobow lagu keenay Muqdisho diyaarad gaar ah, oo Baydhabo kasoo qaadey, kadibna lagu wareejiyay hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya.

Xariga Mukhtaar Roobow ayaa horseeday dagaal dhiig ku daatey oo maanta ka dhacay Baydhabo, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Ciidamado Musharaxa taabacsan ayaa la sheegay inay weerareen fariisamo ay degan yihiin ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka.

Inta la xaqiijiyay illaa 4 qof oo uu ku jiro Askari Itoobiyan ah ayaa ku geeriyootey dagaalkii saaka ka dhacay Baydhabo, kaasoo lagu soo waramayo in hadda uu joogsaday, balse ay xiisadda wali taagan tahay.

Waxaa wadooyinka lagu arkayaa taangiyo iyo gaadiidka dagaalka ciidamada Itoobiya, iyadoo dadweyne dibadbax dhigaya ay jidadka ku jareen dhagxaan, kuwaasoo careysan xariga Roobow.

Dowladda Federaalka ayas horey u shaacisay in hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab uusan xaq u lahayn inuu ka qeybgalo doorashada Koonfur Galbeed, sababo ay ku sheegtay in ay wali saaran tahay xayiraada caalamka.

Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay inay faragelin qaawan ku hayso doorashada Koonfur Galbeed, kadib markii labo musharax oo hubeysan ay uu dirtay Baydhabo iyo ciidamo boolis ah kuwaasoo xiisad ka abuuray magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM