Muqdisho: dabley hubeysan oo dad ku dishey isgoyska KM4

Image

February 16, 2015 (GO)- Dabley hubeysan ayaa galabta afar qof ku dishey labo kalena ku dhaawacdey isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Dadka weerarka lagu bartilmaameedsaday oo dhamaantood ka tirsanaa shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde waxay la socdeen hal gaari oo yar.

Afarta qof ee la diley  ayaa kala ahaa:  maareeye ku-xigeenkii garoonka Aadan Cadde, agaasime ku-xigeenkii waaxda saadaasha hawada, iyo labo nin oo kale kuwaasoo midkood injineer ahaa midka kalena ahaa dareewalkii gaariga.

Mas'uuliyadda weerarka waxaa sheegatay kooxda Al-shabaab oo horay Muqdisho uga fulisey weeraro caynkan oo kale ah kuwaasoo qaar kamid ah lagu diley mas'uuliyiin dowlada ka tirsanaa oo badankoodu xildhibaano iyo saraakiil laamaha ammaanka ka hawlgelayey ahaayeen.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo xumaanayey todobaadyadii u dambeeyey, wuxuuna weerarka maanta isgoyska KM4 ka dhacay kusoo adaayaa maalin kadib markii mas'uul ka tirsanaa Wasaarada Qorsheynta lagu diley degmada Dharkeynley.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM