Muqdisho: labo qof oo ku dhintey qarax ka dhacay Dharkeynley

Image

January 19, 2015 (GO)- Labo qof  ayaa ku geeriyoodey qarax gelinkii dambe ee shalay ka dhacay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Daa'uud Cabdulaahi Nuur oo ka tirsan maamulka Dharkeynley ayaa sheegay in qaraxaasi diley labo nin oo dhallinyaro ah, kuwaasoo la socdey mooto saddex-lugoodley ah (BAJAJ).

Wuxuuna intaas ku daray in labada nin qorsheynayeen weerar ay magaalada Muqdisho ka geystaan, balse ku qaraxday miino macmal oo ay horay usoo diyaarsadeen.

Ma ahan markii ugu horeysey ee magaalada Muqdisho uu ka dhaco qarax kuwii dhigayey ku geeriyoodeen.

Qaraxyada lagu rakibo gaadiidka ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey aad ugu soo badanayey magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in sanadkii lasoo dhaafay ee 2014 qaraxyada caynkaas ah lagu khaarijiyey tobanaan qof oo mas'uuliyiin dowladda ka tirsan iyo rayidba isugu jirey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal qodob ayaan ka qaadanay war-murtiyeedkii shirka Kismaayo

Wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay mar walba u taagan tahay dhegeysiga aragtiyada kala duwan ee siyaasadeed.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 08:37AM

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM