Muqdisho: qarax ka dhacay meel u dhow madaxtooyada

Image

January 22, 2015 (GO)- Weerar is-miidaamin ah ayaa maanta ka dhacay albaabka hore ee Hotel SYL oo ku yaala meel u dhow xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Weerarka waxaa fuliyey qof isa soo miidaamiyey oo watey gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey, waxaana lagu soo beegay xilli hoteelkaas ay ku shirayeen mas'uuliyiin ka tirsan dowlada iyo wafdi Turkish ah oo hordhac u ah wafdi kale oo Madaxweynaha Turkigu hogaaminayo oo la filayo inay maalinta berri ah Muqdisho soo gaaraan.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha uu weerarkaasi geystey, haseyeeshee wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof ku geeriyoodeen ku dhowaad toban kalena ku dhaawacmeen. Dadka dhintay ayaa isugu jira qofkii qaraxa fuliyey iyo labo askari.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli ammaanka magaalada Muqdisho 48-dii saac ee ugu dambeeyey si weyn loo adkeeyey, maalinta beri ahna lagu wado inuu soo gaaro Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Hotel SYL waxaa bishan January horraanteedii lagu qabtay shir-weynihii 53aad ee wasiirada arimaha dibada IGAD.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM