Muqdisho: tirada dhimashada oo korortey iyo mas'uuliyiin geeriyootey

Image

February 20, 2015 (GO)- Ku dhowaad shan iyo toban qof oo ay ku jiraan mas'uuliyiin dowladda ka tirsan iyo siyaasiyiin horay dowladda xilal uga soo qabtey ayaa qaraxa ku geeriyoodey, waxaa sidoo kale dhaawacmay in ka badan labaatan qof oo Ra'isal Wasaare ku-xigeenka Dowlada Federaalka Somalia kamid yahay.

Mas'uuliyiinta weerarka ku geeriyootey waxaa kamid ah:  Xildhibaan Maxamed Ducaale Muuse, Xildhibaan Cumar Cali Nuur Furdug, Xog-hayihii xafiiska Ra'isal Wasaaraha Maxamed Cilmi, la-taliyihii Ra'isal Wasaaraha Cabdifataax Baadiyow, Siyaasi Cabdishakuur Mire Aadan iyo guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Aaden Guuleed.

Xildhibaan Yaasiin Bucul oo kamid ahaa mas'uuliyiintii ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay oo waraysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA  ayaa ka warbixiyey sida ay wax u dheceen.

Xildhibaanka ayaa sheegay in labo qarax dhaceen waxyar kadib markii laga baxay salaadda Jimacaha oo boqollaal qof ku tukanayeen masjid ku dhex yaalla Hotelka.

Qaraxa koowaad oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey wuxuu ka dhacay iridka hore ee hotelka, wuxuuna sababay in saqafka kore ee masjidku soo dumo.

Qaraxa labaad oo sida wararka hordhaca ah lagu helayo ay fulisey haweeney isa soo miidaamisey wuxuu dhacay waxyar kadib qaraxii koowaad.

Weerarka waxaa mas'uuliyaddiisa sheegtay ururka Al-shabaab. Faahfaahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo si weyn looga xusay Soomaaliya iyo Caalamkaba

Shaqaalaha hay’adaha dowladda ayaa la fasaxay maalintan.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 07:35AM

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhambaal tacsi ah u dirtey Kenya

In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:55AM