MUQDISHU: Qarax lala beegsaday Hotel SYL [ Sawiro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU: Qarax ayaa ka dhacey saaka Barqadii Hotel SYL oo kasoo horjeeda xarunta madaxtooyada Somaliya.

Qaraxaan oo loo adeegsadey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa sida ay wararku sheegayaan.

Lama oga khasaaraha rasmiga balse wararka hordhaca ayaa sheegaya in qaraxaan ku dhinteen Shan qof oo isugu jira shacab iyo Askar.

Hotelka ayaa waxaa ka socdey kulan looga hadlayo arimaha amnig iyadoo wararku sheegayan sidoo kale in dhaawacyo kasoo gaareen wariyeyaal ka tirsan saxaafada ka howlgasha Muqdishu.  

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxaan uu ku dhaawacmey agaasimaha TV Dowlada. 

Kooxaha soo weerarey ayaa warar aan la xaqiijin sheegayaan dhinaca kale in gudaha u galeen hotelka.

Hotel SYL ayaa weerarkaan yahay midkii sadexaad ee loo gaysto tan iyo intii la dhisey.

Wararka dheraad ah kala soco warsidaha Garowe online.

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM