Muqdishu: Wariye Qarax lagu dhaawacay

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax xoog leh ayaa laga maqlay qaybo kamid ah magaalada Muqdishu, kaasoo ahaa mid lagu xiray baabuur uu waday Wariye katirsan TV-ga Universal.

Sawir-qaade Cabdixamiid Karasaay iyo labo ruux oo shacab ah ayaa weerarkaas lagu dhawacay, sida ay GO u xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah.

Weerarka ayaa ka dhacay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdishu.

Wariyahan ayaa kusii jeeday shaqo-maalmeedkiisa kahor intaysan la kicin miino Baabuurka loogu xiray.

Ciidamada ammaanka caasumadda Somalia, ayaa goobta soo gaaray, waxayna ka qaadeen dhaaca Karasaay iyo labada qof ee kale kuwaasoo dhaawacyo kala duwan qaba.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Wariyahaas uu soo gaaray dhaawac culus.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaas, balse waxaa loo malaynayaa inay ka dambayso kooxda Al Shabaab.

Weerarkan ayaa qayb ka ah kuwo muddooyinkii dambe ka dhacayay magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM