Murashax Farole oo tanaasulay iyo eedayn uu jeediyay [Daawo]

Image

MUQDISHU, Somalia- Murashax Madaxweynaha Somalia Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu tanaasulay kadib xilli uu warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdishu caasumadda dalka.

Farole ayaa tanaasulkiisa u sababeeyay arrimo ay kamid tahay farogalin lagu hayo doorashada Madaxweynaha ee dhici doonta maalinta barri ah 08 February, 2017 isagoo baaq u diray murashaxiintii uu kamid ahaa ee is-badal doonka ku midoobay kuwaasoo ka dalbaday inay aad isu koobaan oo ka shaqeeyaan danta shacabka.

"Kol hadii ay bateen Xildhibaanadii oo ay bateen murashaxiintii waxaan soo jeedinayaa in arrintaas wax laga badalo anigaana ugu horeeya oo ficilkas wax ka qabanaya, waxaana maanta go'aansaday inaan ka haro doorashada maalinta barri ah dhacaysay oo aan shakhsiyan ka haro, anigoo ula jeeda marka koowaad murashaxiinta isbadal doonka ah isa-soo yareeyaan oo aad isu soo koobaan oo 24 wax ka yar baa ka hartay ka baxaan si ay u koobnaato dadka la dooranayo oo Xildhibaanadu codkooda ku aruurinayaan inta ka harta murashaxiintaas," Ayuu yiri mudane Farole.

Xildhibaanada Barlamanka Somalia ayuu fariin adag u diray, isagoo ugu baaqay inay hubiyaan codkooda cidda ay siinayaan islamarkaana ka fogaadaan Qabyaalad iyo nin jeclaysi ee ay wax u doortaan qaab wadaniyad ku jirto.

"Waxaan usoo jeedinayaa Xildhibaanada inay fikirkooda dib u sameeyaan oo ay codkooda ku bixin qabyaalad iyo jamciyado kale oo gaar ah oo qoloba meel ay u jeedo aan la garanayn balse wax ku doortaan wadanimo, qabyaalad la'aan ku bixiyaan codkooda,  qofka ay ka doortaan inta hartay, " Sidaas waxaa hadalkiisa ku daray Farole.

Cabdiraxmaan Farole, ayaa sidoo kale dhaliil iyo eedayn usoo jeediyay Madashii wadatashiga isagoo ku eedeeyay inay mas'uul ka ahayd arrimaha farogalinta iyo musuqa isugu jira ee ka socda magaalada Muqdishu.

"Waxaan maanta halkan ka sheegayaa maamul xumada ay sababeen madashii waxay sababeen tartankaas tirada badan, waxay dhalisay Xildhibaano cusub oo tiro badan inay soo galaa, waxay dhalisay in Xildhibaanadu majaruhu ka habaabo oo ay garan waayaan hadii dadku batay halkay codkooda ku aruuriyaan oo hogaanka dalka ku aaminaan. Qaran dhisan doorashadiis in la maaamulo oo loo soo guntado oo siyaasad ahaan loo soo dhexgalo iyadoo lala kala safanayo iyo in maalgalin lagu sameeyo Xildhibaanada qaar oo kala soo baxaan cid walba cid ay danaynayso waa wax aan la arag waa wax dadka Somaliyeed dhammaantood u yaalla."

Dhaliil xoog leh ayuu usoo jeediyay qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada Somalia gaar ahaan Madaxda Puntland iyo goloyaasheeda dowladda kuwaasoo ku eedeeyay inay ka shaqaynayaan sidii ay ugu ololayn lahaayeen shakhsiyaad gooni ah xilli abaaro iyo amni xumo ka jirto deegaanadooda.

"Maamul xumadaas madasha khaas ahaan kuwa maamul goboleedyada ka yimid oo iyagu ahaa bud-dhigihii deegaamada Federaalka inay maanta halkaan isugu yimaadaan hal mid baa ka maqan oo aan garanayn wuxuu u maqanyahay, haduu wax wanaagsan ku maqanyahay ha sheego hadii kale inuu ilaa shalay yimid ma ogiye ha is-sheego inuu maqanyahay, waxay faraha kula jiraan waa wax aan loo dul qadan karin, siiba kuwa ka yimid Puntland oo abaari ka jirto oo colaadi ka jirto oo iyagoo wata dhammaan madaxda waaxyihii fulinta iyo sharci dajinta ay taaganyihiin xafiisyada iyo goob kasta oo joogo nin murashax ah oo dollaalnimo u jooga isuna badalay maamulayaal olole isuna qaybinaya in Xildhibaanadu qof ay ku kalsoonyihiin dooran, aad iyo aad ayaan uga xumahay, waxaana ugu yeerayaa cidda ay wakiilka ka yihiin ee kitaabka u mareen inay ka fiirsadaan dadkaas sida ay ka yeeli lahaayeen waddankii oo abaar ah oo waxa ka jira aan ognahay, " Sidaas waxaa hadalkiisa raaciyay Farole.

Ugu dambayn wuxuu mahad-celin usoo jeediyay dadkii kusoo dhaweeyay gobolka Banaadir muddo kabadan labo Asbuuc oo u joogay arrimaaha murashaxnimadiisa, wuxuuna ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada iyo hormarka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM