Murashaxiin war kasoo saarey heshiiska dowladda iyo Ahlu Sunna

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laba kamid ah murashaxiinta doorashooyinka Galmudug ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo ururka Ahlu Sunna Waljameeca.

Cabdiraxmaan Odowaa iyo Kamaal Guutaale oo Khamiista maanta ah qoraalo soo dhigay barahooda bulshadda ayaa bogaadiyey heshiiska. 

Xukuumadda federaalka ah ayey ku booriyeen inay si hufan ku dhameystirto dedaallada maamul-dhisidda Galmudug.

Odowaa ayaa ka tirsan xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka oo uu hogaamiyo Xasan Sheekh, halka Guutaale uu kamid yahay hogaanka xisbiga Wadajir ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Qoraalka Murashax Odowaa:

Waxaan bogaadinayaa Heshiiska Siyaasadeed ee ay Dowladda Federaalka iyo Ahlu Suna Waljamaaca ka gaareen geedi socodka maamul u sameynta Galmudug.

Waxaan amaanayaa dhamaan masuuliyiintii iyo indheer garadkii gacanta ka geysatey wadaxaajoodkii dheeraa ee arinkan xalka looga gaarey.

Waxaan dowladda ugu baaqaynaa in inta dhimman geedi socodka uu ahaado mid dhala Galmudug mid ah.

Murashax Guutaale:

Waxaan bogaadinayaa heshiiska laga gaaray khilaafkii ku saabsanaa qaab dhismeedka Galmudug, waxaa farxad u ah shacabka reer Galmudug in haddii khilaafkii ragaadiyey dowladnimadoodii uu dhamaaday ay maantay u billaabatay waa cusub oo Wadajir iyo isku duubni ah.

Labada dhinac ee heshiiska gaaray ee Dowladda Federaalka iyo Culima'udinka Ahlu Sunna Wal Jamaca waxaan si gooni ah oga mahad celinayaa tanaasulaadkii ay sameeyeen iyo is fahankii ay ka gaareen arrimihii murugsanaa ay Soo jiitamayay muddada dheer.

Waxaan Dowladda ku dhiira gelinayaa si loo soo afjaro khilaafyada dhiman iney sidoo kale xalliso tabashooyinka ay qabaan beelaha reer Cadaado iyo reer Ceel Dheer ee ku saabsan Geedi socodka dhismaha Galmudug iyo beelihii kale oo iyagana wax tirsanaya.

Si uu u noqdo Geedi socodka dhismaha Galmudug mid loo dhan yahay, kuna dhaca jawi dimuqraadi ah waxaan u baahanahay in ciidamada xad dhaafka ah ee jooga magaada Dhusamareb loo saaro magaalada bannaankeeda, Gudaha magaaaladana lagu reebo ciidan ammaanka suga ee isku dhafka ah.

Waxaan sidoo kale rajeynayaa in liisaska odayaasha aysan ka baxsanaan kuwii ka mid ahaa 135tii iyo kuwii Cadaado horey ugu soo dhisay Galmudug tii hore so loo helo meel laga tixraaco Dowlad dhiska Galmudug, waxaan sidoo kale odayaasha ka rajeynaynaa iney soo xulaan xildhibaanno ka bixi kara howsha maantay hortaalla Galmudug, howshoodana ku gudan kara daacadnimo, aqoon iyo ka hormarinta danta guud midda gaarka ah.


Heshiiska cusub ayaa xeerinaya in Ahlu Sunna ay 20-Xildhibaan ku yeelaneyso baarlamaanka cusub ee Galmudug, kaas oo xulistiisa la filayo in ay ka bilaabato Dhuusamareeb, caasimada maamulkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM