Murashaxiinta madaxtinimadda Jubbaland oo la hadlay baarlamaanka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta oo Talaado ah waxay la hadleen mudaneyaasha baarlamaanka labaad ee maamulkaasi.

Siyaasiyiinta oo ay ku jirtay haweenay ayaa soo bandhigay barnaamijkooda siyaasadeed oo ay doonayaan in ay kusoo jiitaan Xilhibaanada, iyadda dhamaan xubnaha la siiyey daqiiqado isku mida.

Amniga oo sarre loo qaadey ayaa waxaa iska kaashadey ciidamadda maamulka iyo kuwa kale oo qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM.

Axmed Maxamed Islaam, oo doonaya in dib loogu doorto markii saddexaad, ayaa kamid ahaa murashaxiintii maanta khudbadaha ka horjeediyay sharcidejiyeyaasha.


Hoos ka akhriso khudbada Axmed Madoobe

Barnaamijka siyaasadda madaxwayne Axmed Maxamed Islaam Wax qabadkii Dowlad-Goboleedka Jubbaland 2015-2019

Mudadii afarta sanno ahayd ee aan madaxwaynaha ka ahaa Dowlad- goboleedka Jubbaland ,waxaan hoggaaminayay dowlad ku shaqaynaysay qorshayaal ka kooban shan tiir oo waaweyn:

1.Amniga

Waxaan dhisnay ciidan leh cudud iyo awoodda sahashay xoreynta iyo sugidda amniga deegaannada Jubbaland ee ay dowladdu hadda gacanta ku hayso.

Ciidamadaas oo ka kooban ciidanka booliska, daraawiishta iyo nabad sugidda kuwaas oo maanta awood u leh sugidda iyo ilaalinta nabad galiyada deegaannada Jubbaland

2.Arrimaha bulshada

ka hor inta aan la xoreynin lana yagleelin dowlad goboleedka Jubbaland, habayaratee majirin adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida;

• Caafimaadka

Waxaan wakhti iyo kharash galinay sidii loo dhisi lahaa qaarna loo dayactiri lahaa xarumo bixiya adeegyo caafimaad oo ku yaalla deegaannada Jubbaland

Waxaan hirgalinay dibna loo howlgaliyay dhammaan isbitaalada guud ee ku yaala degmooyinka Jubbaland sida isbitaalka guud ee Kismaayo, Isbitaalka degmada Doolow, Isbitaalka degmada Luuqa, Baardheere, Afmadow, Garbahaarrey, Beled-Xaawo, Dhoobley, Buurdhuubo iyo deegaanno kale, waxaana hirgalinay xarumaha gaarka u ah hooyada iyo dhallaanka ee loo yaqaanno MCH-yada.

Waxay dhammaan isbitaaladaas ka koobanyihiin qeybaha kala duwan, waxaana yaalla daawo tayo leh, waxaana ay bixiyaan adeegyo caafimaad oo bilaash ah.

• Waxbarashada

Waxaan diyaarinay oo aan dajinay manhaj mideysan oo waxbarasho oo gaar u ah dugsiyada hoose iyo dhexe kaas oo sal u ah waxbarasho tayo iyo wadaniyad leh oo ku saleysan diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed lana jaanqaadi karta aqoonta casriga ah ee dunida maanta ka jirta.

Waxaan hirgalinay 215 Iskuul oo ku yaala dhammaan deegaanada xorta ah ee Jubbaland, waxayna qaar kamid ah dugsiyadaan bixiyaan waxbarasho bilaash ah, waxaana ka faa’iideysta arday gaareysa 19,000 kuwaas oo iskugu jira kuwo dalka dib ugu soo laabtay iyo barakayaasha, waxayna bixiyaan quudin bilaash ah oo lasiiyo ardaydaas.

Waxaan hirgalinay dugsiga tababarka macallimiinta Jubbaland oo kuyaala Kismaayo iyo Baardheere Waxaan hirgalinay tiro dugsiyada farsamada gacanta ah.

Waxaan meelmarinay mashruuca waxbarashada gabdhaha kaas oo socon doona muddo afar sanno ah, waxaana ka faa’iideysta 23,300 oo gabdhood

Waxaan hirgalinay dugsiga waxbarashada carruurta qaba baahiyaha gaarka ah Muddadii afarta sanno ahayd Jubbaland waxay guulo fiican ka
gaartay tartanka quraanka kariimka ah ee loo qabtay ardayda dugsiyada quraanka Afrika.

Waxay Jubbaland ku guuleysatay tartanka aqoonta ee sannad laha ah ee loo qabto state-yada Soomaaliya, sanadkaana waxaa xusid mudan
inaan kaalinta labaad galnay.

• Shaqo abuurka

Guddigu wuxuu shaqaaleysiiyay 2,301 shaqaale rayid ah oo lagu soo xulay aqoontooda kuwaas oo maray imtixaan u qalma in lagu shaqaaleysiiyo, Waxaana kamid ah 21 agaasimayaal guud oo hadda hoggaamiya dhammaan wasaaradaha dowlad goboleedka Jubbaland Si sare loogu qaado shaqo abuurka muwaadiniinta reer Jubbaland, waxay dowlad goboleedka Jubbaland dhistay guddi gaar ah oo la yiraahdo guddiga shaqada iyo shaqaalaha si loo helo shaqaale leh aqoon, xirfad iyo tayo wanaagsan, waxaana mudadii koobnayd lagu shaqaaleeyay 2,301 shaqaale rayid ah kuwaas o ka shaqeeya 21 wasaaradood iyo hay’addaha madaxa-bannaan ee ay ka koobantahay dowlad goboleedka Jubbaland 900 kamid ah waxaa mushaarkooda siiya bangiga adduunka inta kalana waxaa mushaaroodkooda bixisa dowlad goboleedka Jubbaland.

Waxaa jira 410 kale oo ka shaqeeya wasaaradaha iyo hay’addaha kale ee dowliga ah oo hela gunnooyin.

• Adeegga garsoorka

Si loo helo adeeg garsoor oo bilaash ah, waxaan dhisnay hay’adda garsoorka oo ah laan madax-bannaan oo si gaarka ah u qaabilsan fulinta adeegyada garsoorka.

Waxaan dhisnay garsoor ka kooban:

Guddiga adeegga garsoorka oo ka kooban 7 xubnood
Maxkamadda sare
Xeer ilaaliye guud
Maxkamadda racfaanka
Maxkamadaha gobollada iyo degmooyinka
Garsoorka odayaasha dhaqanka iyo xeer beegtida
Waxaana ka howlgala garsoorka garsoorayaal, Kaaliyayaal,

Xoghaynno iyo howl-wadeeno uleh aqoon gaar ah arrimaha garsoorka.

Waxaa muddadii afarta sanno ahayd ee aan hoggaaminayay dowlad goboleedka Jubbaland, waxaan hirgalinayay kuna guulaysanay adeegyada
3.Kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha
Dayactirka iyo dib u howlgelinta ilihii dhaqaalaha ee gobolku lahaa sida:
Marsada magaalada Kismaayo oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn ee ay deegaannada Jubbaland.
Dib u howlgelinta Garoomada diyaaradaha degmooyinka iyo magaalooyinka Jubbaland ee xorta ah kuwaas oo ilaa 8 kamid ah ay hadda si wanaagsan u shaqeeyaan fududeysayna isu socodka bulshada reer Jubbaland.

Hirgelinta maxjarka xoolaha ee magaalada Kismaayo kaas oo ay door muhiim ah ka qaatay fududeynta suuq-geynta xoolaha nool ee deegaannada Jubbaland, muddadii uu furnaana waxaa laga dhoofiyay 36,647 neef oo iskugu jira xoolaha noocyadooda kala duwan, Waxaana uu leeyahay maxjarku qeybta hubinta caafimaadka xoolaha dhoofaaya, waxaana ku guuleysanay inaan neef kamid ah tiradaas xoolaha ah ee ka dhooftay dekadda magaalada Kismaayo ee loo suuq- geeyay wadama khaliijka inaan mid kamid ah aan loo soo celinin caafimaad xumo.

Waxaan ku guuleysanay dajinta nidaamka canshuur aruurinta guud ahaan degmooyinka iyo magaalooyinka xorta ah ee Jubbaland, waxaana lagu jaangooyey hadba awooda dhaqaale ee bulshada reer Jubbaland.

Dowladda aan hoggaaminayay waxay ku guuleysatay sameynta waax gaar ah oo maamusha deeqaha dhaqaale ee ka yimaada beesha caalamka iyo dowladda federaalka taas oo loo maamulay si daah- furan keentayna in wasaaradda maaliyadda Jubbaland noqotay wasaaradda ugu nidaam maaliyadeed hufan guud ahaan dowlad goboleedyada dalka.

Waxaan ku guuleysanay inaan soo jiidanno indhaha maalgashadayaasha caalamiga ah, waxaana sido kale dhiirigalin badan u sameynay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan deegaanadooda.

4.Dib u dajinta qaxootiga

Dowladda aan hoggaaminayay muddadii afarta sanno ahayd ee laso dhaafay, waxay ku guuleysatay in ay dib u dajin u sameyso qaxootiga Soomaaliyeed ee ku noola dalka Kenya kuwaas oo aan dadaal badan kadib ku guuleysanay inaan dib u dajin u sameyno, haddaba si arrintaas loo fuliyo waxaan magacaabay guddi madax bannaan oo qaabilsan dib u dajinta qaxootiga, waxaana suurtagashay in dib u dajin loo sameeyo dad Soomaaliyeed oo garaaya:
• 65,000 oo ruux kuwaas oo helay adeegyada asaasiga ah sida;
Amni
Deegaan
Caafimaad
Waxbarasho
Biyo nadiif ah

Waxayna noqdeen tirada ugu badan ee ka faa’iideystay mashruuca
shaqa abuurka dhalinyarada Jubbaland.

5.Dib u heshisiinta bulshada Jubbaland
Maddaama ay Jubbaland ahayd meelihii ugu darnaa ee ay saameeyeen colaadihii iyo dagaaladii sokeeye, Waxaana dhammaan dadku filayeen in Jubbaland ay noqon doonto meelaha ugu dambeyn doona ee dib u heshisiin laga gaaro.

Markii ugu horeysey ee aan noqday hoggaanka dowlad goboleedka Jubbaland, waxaan si siman u fidinay gogosha dib u heshisiinta bulshada Jubbaland, waxaana dhowr shirweyne u qabanay dhammaan bulshada Jubbaland.

Waxay dowladaydu guulo waaweyn ka gaartay barnaamijka dib u heshisiinta bulshada, waxaana maanta Jubbaland ku nool dad, beelo walaalo ah oo ay horaan colaado u saameeyeen, laakiin maanta ah heshiis wax walbana waxaa lagu dhameeyay dib u heshisiin iyo is-dhexgal bulsho taas oo loo marey habka dhaqanka Soomaaliyeed.

Sidaa darteed maanta Jubbaland kama jirto lab beelood oo col ah ama beel gaar u hubeysan taas oo ku timid dadaalkii dib u heshiisiineed ee ay dowladeydu ka miro dhalisey.

Barnaamijka dib u heshiisinta bulsho waxaa uu ahaa mid ku qotomay labo qodob oo kala ah:

Dib u heshisiinta qabaa’ilka kala duwan ee Jubbaland
Dib u heshisiinta siyaasiyiinta Jubbaland
Qorshayaasha cusub ee sannadka 2019-2023

1. Amniga

Xoreynta dhammaan deegaannada maqan qorshuhuna inaan gacanta dowlada soo galinaayo muddo 18 bilood gudohood ah.

Sugidda amniga guud ahaan deegaanada Jubbaland waxayna xukuumadeydu ka hirgelin doontaa barnaamijka wadashaqeynta iyo is aaminaad laamaha amniga iyo bulshada.

Waxaan sii labanlaabi doonaa dhismaha ciidanka qeybahooda kala duwan si ay u hantaan amniga deegaanada Jubbaland.

2. Daadejinta maamulka iyo dowlad wanaaga.

Dowladeydu waxay xooga saari doontaa daadejinta nidaamka dowliga ah heer degmo ilaa heer tuulo.
Dhismaha iyo baahinta nidaamka dowlaha hoose si bulshada ku dhaqan dhamaan degmooyinka, magaalooyinka iyo tuulooyinka ay u sameystaan maamul ka yimaada bulshada kuna yimaada rabitaankooda fahmi karana duruufaha iyo xaaladaha bulshada deegaanadooda.

3. Baahinta adeegyada Bulshada.

Caafimaadka.

Dowladeydu waxay sii laba jibaari doontaa baahinta adeegyada caafimaadka waxaana ka hirgelin doonaa adeegyo caafimaad oo
tayo leh dhamaan deegaanada Jubbaland.

Waxaan dhisi doonaa Isbitaalo guud oo bilaash ah kuwo gaar u ah hooyada iyo dhallaanka.

Waxaan ka maarmi doonaa baahiyaha caafimaad ee dibada loo aado anaga oo suurto galineyna in bulsho kasta deegaankooda ay ku hesho adeeg caafimaad oo tayo leh.

Waxbarashada

Dowladeydu waxay guul la taaban karo ka gaartey waxbarashada qeybaheeda kala duwan.

Waxaan sii wadi doonaa mideynta manaahijta dugsiga sare iyo jaamacadaha maadaama xukuumadeydu ku guuleeysatey dajinta iyo hirgelinta manhaj waxbarasho oo mideysan kaas oo ay heleen dugsiyada hoose iyo dhexe ee guud ahaan deegaanada Jubbaland.

Manhajka xukuumadeydu hirgelin doonto wuxuu ku qotamaa waxbarasho tayo iyo wadaniyad leh kuna saleysan diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed islamarkaana la jaanqaadi kara aqoonta casriga ah ee dunida ka jirta.

Waxaan hirgalin doona mashaariicda lagu horumarinaayo waxbarashada gabdhaha, waxaana hadda meel wanaagsan maraaya mashruuc u gaar ah waxbarashada gabadhaha kaas oo ay hadda ka faa’iideystaan 23,300 gabdhood oo ku nool dhammaan deegaannada Jubbaland.

Waxaan sare u qaadi donna tirada iyo tayada macallimiinta wax ka dhigta dugsiyada waxbarashada Jubbaland, waxaana si wanaagan aan u maalgalin donna machadyada macallimiinta Jubbaland ee ku yaala Kismaayo iyo Baardheere
Waxaan tiro ahaan badin donna dugsiyada farsamada gacanta ee ku yaalla Jubbaland, waxaan kuwo horleh ka hirgalin donna deegaannada kale ee Jubbaland

Baahinta adeegga garsoorka.

Waxaan gaarsiin donna dhammaan deegaannada Jubbaland
adeegga garsoorka Waxaana u sameyn donna degmo, magaalo iyo tuulo walba
nidaam garsoor oo isku xiran kaas oo leh heerarka maxkamadaha, xeer ilaalinta iyo booliska

Shaqo abuurka bulshada.

Waxaay dowladaydu xoogga saartay afartii sanno ee laso dhaafay sidii bulshada reer Jubbaland u heli lahaayeen shaqo abuur, waxaana ay dowladdu ku guuleysatay in ay shaqo abuur u sameyso in badan labo(2,000) kun oo qof kuwaas oo iskugu jira kuwo bangiga adduunku naga caawiyay shaqaaleyntooda, kuwo dowladdu bixiso mushaarkooda iyo kuwo kale oo gunnooyin joogta ah qaata

Afartaan sanno ee soo socota waxaan xoogga saari donna sidii aan shaqo abuur ugu sameyn lahayn dad kor u dhaafayay afar kun (4,000) kuwaas oo ka shaqayn donna xarumaha kala duwan ee dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo maalgalin aan u sameyn donno si aan shaqo abuurka u dhiirigalino

4.Kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dalka.

Si aan u kobcinno dhaqaalaha, waxaan dib u howlgalin ku sameyn donna warshadihii Jubbaland ku yaali jiray, waxaan hirgalin donna mashaariic horumarineed oo kala duwan kuwaas oo dhammaantood door wanaagsan ka qaadan donna yareynta heerka shaqa la’aan ee ka jirta guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana Jubbaland sidaas darteed waxaan hirgalin donna waxyabahaan;

Warshadii sonkorta ee mareerrey
Warshadii hargaha iyo saamaha
Warshadii hilibka
Mashruucii biyo xireenka Faanoole
Mashruucii bariiska ee mugaanbow
Waxaan suuq-geyn ballaaran u sameyn donna xoolaheenna.

Waxaan dib u howlgalin iyo dhiirigalin ku sameyn donna beerashada dhul bereedka Jubbaland
Hirgalinta mashruuca iibgeynta kalluunka dalkeenna Waxaan dib u habeyn iyo ballaarin ku sameyn donna dekadaha Jubbaland ku yaalla
ü Waxaan dib u habeyn iyo tayeyn ku sameyn donna garoomada
diyaaradaha degmooyinka Jubbaland
5. Qabashada shirweyne dib u heshiisiineed kaas oo loo qaban doono dhamaan degmooyinka, magaalooyinka iyo tuulooyinka ay ka koobantahay Jubbaland si heshiis waara loo dhex dhigo guud ahaan bulshada reer Jubbaland.
6. Hirgelinta Xafiis u gaar ah qurbajoogta dalka dib ugu soo laabanaya si aan u dhiiri galino maalgashiga ay sameynayaan iyo ka faa’iideysiga aqoontooda iyo khibradooda.
7. La dagaalanka musuqmaasuqa waxaana la imaan doonaa la xisaabtan dhab ah si loo helo nidaam maaliyadeed oo hufan.


Doorasadda madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa loo balansan yahay 22-ka bishan August, iyada oo ay is casileen murashaxiin dhowr ah, kuwaasi oo sababo kala duwan ku doodey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM