Mursal oo la kulmay Guddiga Maaliyadda BF, dibna ugu laabtey Villa Somalia

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal ayaa dib ugu laabtey Villa Somalia, kadib markii heshiis hoose isaga iyo Ra'iisul Khayre ka gaareen Mooshinkii xilka qaadista Farmaajo.

WAR-SAXAAFADEED:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay sida lagu xalin karo khilaafka xubnaha guddiga u dhaxeeya iyo sida ay ku wada shaqeyn karaan.

Guddoomiyaha ayaa dhageystay talooyinka xubnaha guddiga maaliyadda ee kulanka ay ku soo bandhigeen.

Xubnaha guddiga ayaa si wadajir ah u qiray in howlo badan ay guddiga u yaallaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in howlo muhiim ah guddiga maaliyadda horyaallaan, loona baahan yahay in si deg deg ah loo qabto.

“Waad mahadsan tihiin sida aad u aqbasheen una soo xaadirteen kulankan deg dega ah ee aan isku kiin yeeray, ujeedku waxa uu ahaa inan dhageysto talooyinkiina, waan dhageystay waana fahmay in badan, waxaan la soo tashan doonaa guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka”. ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa kulanka ku wehlinaayay Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu is-mariwaa ka taagan yahay jiritaanka Guddigan, oo 28-kii Nofembar 2018 uu kala diray Gudoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Gollaha Shacabka Cabdweli Ibraahim Muudey, kadib markii uu warbixin musuq-maasuq lagu sameeyay hantida qaranka uu ka diyaariyay Wasaaradda maaliyadda iyo maamulka gobolka Banaadir.

Mursal oo xilligii uu Muudey go'aankan qaadanayay dalka Turkiga Safar ugu maqnaa, ayaa markii uu Muqdisho kusoo laabtey gaashaanka u daruuray kala dirista Guddiga, isagoo laaley tallaabada ku xigeenkiisa, dibna guddiga ugu soo celiyay shaqadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM