​Muudeey iyo Mahad oo loo doortay ku-xigeennada Guddoomiyaha Barlamanka Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa galabta magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, lagusoo afmeeray doorasho adag oo ay ku loollamayeen murashaxiin u taagan Guddoomka Barlamanka Dalka taasoo gashay labo wareeg.

Xildhibaan Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey, ayaa loo doortay inuu noqday guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Soomaaliya kadib markii uu helay codad gaaraya 164 cod, halka Farax Cabdulqaadir oo la tartamay uu helay 93 cod, sida uu sheegay guddoonka KMG ah ee doorashada Barlamanka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka ayaa waxaa isna loo doortay xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo Barlamankii hore kasoo qabtay jagadan.

Mudane Mahad, waxaa u codeeyay  171 cod, halka Cabdulqaadir Sheekh Cali Bagdaadi oo la loollamay uu helay 88 cod.

Guddoonka Barlamanka, ayaa shuruud ka dhigay in musharaxa guuleysanaya wareega koowaad looga baahanyahay inuu helo codadka 139 ka mid ah xildhibaanada oo ah 50% oo lagu daray hal.

Doorashadii maanta oo aad uga adkayd middii uu shalay kusoo baxay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaa codaysay oo fadhiya hoolka 290 mudane.

Isbadal kooban, ayaa yimid marka loo eego Barlamankii hore, waxaana Guddoonka kusoo biiray mudane Muudeey oo badalay booskii Jaylaani Nuur Iikar kaasoo ku haray wareegii koowaad ee doorashada, waxaana la filayaa is-badal madaxtinimo ee dalka ka dhacda iyo inay soo baxaan ragga hadda joogaa oo galaangal badan ku leh siyaasadda iyo doorashooyinka waddanka ka dhacay, maadama wali joogaan xafiiska iyadoo waqtigoodu mar hore dhammaaday.

Amniga magaalada Muqdishu, ayaa tan iyo shalay aad loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyinka muhiimka ah ee soo gala xarunta Barlamanka iyadoo lagu daadiyay ciidamo tiro badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM