Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu xiray Masar [Akhri Sababta]

Image

QAAHIRA - Kadib howlgal balaaran oo ay sameeyeen, ciidamadda amaanka dowladda Masar ayaa xiray ku dhawaad Lix dhalinyaro Soomaali ah.

Dhalinyaradaan oo laga soo qabtay Bariga Qaahira, ayaa waxaa haatan su'aallo lagu weydiinayaa saldhig boolis oo ku yaalla magaaladaasi, sida ay sheegeen xubno katirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

Ma cadda sababta loo soo xiray Muwaadiniintaan Soomaaliyeed, laakiin wararka ayaa sheegaya in loo qabtay si loo hubiyo inay dalka ku joogaan nidaam sharci ah, islamarkaana haystaan warqadaha dal ku jooga.

Cismaan Nuur, oo kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar, kaasoo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa wuxuu sheegay in howlgalkaan uu yahay mid kaliya aan Soomaalida ku koobneyn, balse lagu qab-qabanayo dadka aan sharciga lahayn.

"Todobaadkii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale Soomaali gaareysa illaa Lix ay Ciidamada qabteen. Marka ma ahan anigana lagu kooban waxaa lagu soo qab-qabanayaa Jaaliyadaha kale ee dalka ku nool," ayuu Cismaan hadalkiisa raaciyay.

Wuxuu shaaca ka qaaday in ciidamadda ay su'aallo la xiriira qaabka ay dalka kusoo galeen, sida ay ugu nool yihiin iyo hadii ay haystaan sharci deganansho waydiin doonan dhalinyaradda la qabtay.

"Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xalay la qabtay waa 5 oo hal meel laga soo xiray, iyo mid kale oo gaariga lagala soo degay. marka waa la su'aali doonan, qofkii aan si sharci ah ku joogin waa la tarxiili doonaa," ayuu xusay Cismaan.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar wali wax war ah kama soo saarin dhacadaan lagu soo qab-qabtay muwaadiniinta Soomaaliyeed, oo u xil-saaran inay la socoto xaaladda muwaadiniinta iyo inay ka jawaabto dhibaatooyinka ay la kulmaan.

Soomaalida ayaa kamid ah Jaaliyaddaha ugu badan ee ku nool Masar, halkaasoo ay ku joogaan siyaabo kala duwan, oo waxbarasho, tahriib iyo caafimaad ay kamid yihiin, waxaana ay kala kulmaan dhibaatooyin ciidamadda xiliyadda qaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM