Muxuu ka dhigan yahay dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaaacidda, ayaa jimcihii tagey ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah garabka Daacish ee u qaabilsan dalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa ugu baaqay maleeshiyada ururukaas inay ku qaadaan maleeshiyada Daacishta Soomaaliya weerar ay ugu magac dareen “ciribtirka cudurka”

Labadan urur ayaa aragti ahaan ka mideysan fulinta falalka argagixisada, si ay ugu gaaraan danaha ay leeyihiin, iyagoo u soo maraya diinta Islaamka, laakiin waxaa jira faraq u dhaxeeya oo keenay inay iska hor-yimaadaan.

Tan iyo markii Daacish looga dhawaaqay degaaan katirsan dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari 2015, Al Shabaab ayaa soo food saarey loolan cusub, kadib markii Kooxda ay lacago baaad ah kusoo roogtey Ganacsatada Boosaaso.

Muqdisho ayay sidoo kale Daacish kusoo rogtay Shirkadaha Ganacsiga lacago ay ku sheegtay "canshuur", iyadoo ay dishay in ka badan 10 shaqaale oo Hormuud Telecom katirsanaa, kadib markii maamulka Shirkadda uu diiday inuu bixiyo malaayiin dollar.

Boosaaso waxay Kooxdan ku dishay dhowr ganacsade, oo la sheegay inay ka biyo diideen lacagaha lagaa dalbadey, iyadoo dilalkooduna lagu micneeyay cabsi gelin iyo fariin loo dirayo ganacsatada kale.

Malleeshiyaad kala taabacsan labada dhinac ayaa dagaallo ku dhexmaray degaanno katirsan gobolka Bari, oo ugu damabeeyay Cal-Miskaad, halkaasoo ay isaga dileen xubno dhowr ah todobaadkii tagey. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM