Muxuu Khayre kala hadlay Madaxweynaha Suudaan?

Image

KHARTOUM - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo safar shaqo ku jooga Magaaladda Khartuum ee caasimada dalka Suudaan ayaa wuxuu la kulmay Madaxweynaha dalkaas Cumar Al-Bashiir.

Kulanka labadda masuul oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee dowladda Suudaan ayaa diiradda lagu saarey arrimo ay kamid tahay amaanka, xiriirka labadda dal iyo qodobo kale.

Khayre oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu la yeeshay Al-Bashiir kulan wax ku ool ah, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay inuu sii jiro xiriirka labada dhinac.

"Waxaan kulan wax ku ool ah oo aan kaga hadalnay qodobo muhiim u ah labadda dowladood iyo shacabkooda la yeeshay Madaxwaynaha Suudaan, mudane Cumar Al-Bashiir," ayuu yiri Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya.

Khayre ayaa wuxuu utegay dalka Suudaan ka qaybgalka munaasabad, taasoo ay heshiis kuwada saxiixanaya dowladda iyo mucaaradka dalka Suudaanta Koonfureed, kuwaasoo muddo colaado ka dhaxeysay.

Wafdiga Khayre oo ka koobnaa Xilldhibaanno iyo Wasiiro ayaa waxaa lagu wadaa inay soo gabagabeeyay safarkooda Suudaan, iyaga oo kusoo wajahan Magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Waa boqashadii ugu horeysay oo uu Ra'iisul Wasaare Khayre ku tago dalka Suudaan inta uu xafiiska hayo, inkasta oo safarkaan marka hore ku qornaa Farmaajo, hadana sababo aan la shaacin ayuu uga baaqday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM