Muxuu Salka ku hayaa Khilaafka Madaxda Galmudug? [XOG CUSUB]

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Khilaaf xoogan oo mudooyinkii dambe qarsoonaa ayaa soo ifbaxay, kaasoo salka ku hayaa magacaabista Golle Wasiiro cusub oo qeyb ka ah heshiiskii awood-qeybsiga Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Warar ayaa sheegay in khilaafkaan la doonayey in xal looga gaaro Muqdisho oo ay soo farageliyaan madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ka hor inta uusan maanta oo Sabti ah soo ban-bixin.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku guul-dareysatay inay xal ka gaarto khilaafka soo rogaal-celiyay, waxaana ay maanta Madaxda Galmudug kasoo ambabaxeen Muqdisho iyagoo ka kala degay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Wafdiga gaarey Cadaado waxaa hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, kuwaasi oo daboolka ka qaaday in aysan aqoon-saneen Xubnaha dhowaan lagu soo daray Baarlamaanka maamulkaasi.

Cali Gacal Casar, Afhayeenka Baarlamaanka Galmudug ayaa cod dheer uga codsaday Xildhibaanada Galmudug u ugu matalaya Baarlamaanka Federaalka, madaxda DFS iyo beesha caalamka inay soo faro-geliyaan xiisada siyaasadeed.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Carabey oo dhankiisa la hadlay saxaafada ayaa ku qeexay khilaafka mid salka ku haya awood-qeybsiga Galmudug iyo Ahlu Sunna, taasi oo halis gelinaysa qorshaha ay ku midoobayaan labada maamul.

Wafdiga Dhuusamareeb tegay oo uu hor-doodayey Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ma uusan la hadlay wariyaasha, waxaana lagu wadaa inuu halkaas uga dhawaaqo Golle Wasiiro cusub, oo lagu soo daray Xubno ka tirsan Ahlu Sunna.

Su’aasha is-waydiinta mudan waxay tahay cida meel-marin doonto Wasiirada cusub ee uu soo dhiso Xaaf, maadaama xarunta Baarlamaanka Galmudug ay tahay Cadaado, halkaasoo ay joogaan Garabta taageersan Casar iyo Carabey. [Halkan ka akhri Warka]

Khilaafka madaxda Galmudug oo aysan ahayn markii ugu horeysay ayaa wuxuu hada umuuqdaa mid meeshii ugu xumeed gaaray iyadoona ay hadda muuqaneyso inay labada Garab ay diyaar doonayaa inuu shaqeeyo dalabkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM