​Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Baydhabo?

Image

BAYDHABO, Somalia- Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee dalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay, kadib safar qarsoodi ahaa, balse muddooyinkii dambe la saadaalinayay inuu ku aadayo qaybo kamid ah waddanka.

Mas'uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed iyo xubno katirsan bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha xarunta gobolka Baay.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aada, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay booqashada Xasan Sheekh ee magaalada Baydhabo, wuxuuna xusay inta uu joogo inay yeelan doonaan kulamo kala duwan.

Xasan Sheekh oo soo dhaweyn kadib isna hadlay, ayaa tilmaamay in socdaalkiisa Baydhabo la xiriiro sidii loo sii amba qaadi lahaa hannaanka doorashada islamarkaana u dhiirigalin lahaa howlaha socda isagoo ku baaqay in laga fogaado wixii keeni kara khilaafaad.

“Ujeeddada booqashadeyda ee magaalada Baydhabo waxay tahay inaan maamulka iyo shacabka Koonfuur Galbeed ku dhiirigeliyo in la dardar-geliyo hawlaha doorashada 2016, lagana shaqeeyo in si habsami leh ay hawshaasi taariikhiga ah inoogu qabsoonto,"Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wuxuu sidoo kale xusay in la ilaaliyo qoondada haweenka Somalia, wuxuuna Odoyaasha dhaqanka faray inay doorka haweenka aan lagu xad gudbin, isagoo doorashada dhici doonta ku tilmaamay mid taariikhi ah oo dalka gaarsiin doonta mid Qof iyo Cod ah.

"Ujeeddada labaad waxay tahay inaan mar kale ku baaqo, idinna faro in qoondada haweenka ee kuraasta labada Aqal la dhaqan geliyo, maadaama go’aankaasi uu yahay siyaasad Qaran oo Soomaaliya oo dhan khuseysa,"Ayuu yiri madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Somalia Xasan Sheekh.

Balse, warar hoose oo warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegay in socdaalka Xasan Sheekh la xiriirto arrimihiisa doorashada maadama uu yahay murashax u taagan mar labaad hogaanka dalka Somalia, wuxuuna kulamo kala duwan la yeelan doonaan qaybaha kala duwan ee maamulka Koonfur Galbeed iyo odoyaasha dhaqanka isagoo kala hadli doona qaabkii mar kale loo dooran lahaa.

Xasan Sheekh, ayaa tagi doona qaybaha kale ee maamullada dalka isagoo si toos ah u billaabay ololihiisa doorasho.

Socdaalkan ayaa yimid xilli qaar kamid ah mas'uuliyiinta dowladda waqtigu kadhammaaday shlay gaareen magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo ay kula kulmeen mas'uuliyiin iyo duubabka dhaqanka gobolkaas.

Wafdigaas, waxaa hogaamiyay Ra'isal wasaare ku-xigeenka xukuumadda waqtigeedu dhamamaday ee Somalia Maxamed Cumar Carte.

Dalka, waxaa iminka si toos ah uga socda loollan xoog leh oo loogu jiro kuraasta labada Aqal iyo hogaanka madaxtinimo iyadoo ay jiraan murashaxiin badan oo iclaamiyay inay u tartamayaan xilka ugu sareeya waddanka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM