Muxuu salka ku hayaa xifaaltanka shaqsiga ee Waare iyo Dabageed?

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Hadalheynta ugu badan siyaasadda HirShabeelle ayaa ah xiisada ka dhalatay xilka qaadistii gudoomiyihii gobolka Hiiraan, Yuusuf Dabageed taasoo isku rogtay gacan ka hadal galaafatey nolosha taliye.

Fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta soo dadejisay in madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu shaqadii ka eryo Dabageed ayaa soo if-baxeysa iyadda oo muranka uu u muuqdo mid sii kar-karaya.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, khilaafka Waare iyo Dabageed oo daxaleystay ayaa salka ku haya dhowr arrimood oo ay kamid tahay awood qaybsiga, canshuurta gobolka iyo xiriirka dowladda federaalka.

Intaasi waxaa wehliya in uu jiro khilaaf shaqsi ah oo u dhaxeeya labadda dhinac, sidda uu ka dhawaajiyey Dabageed kaasoo ku adkeystay in hogaamiyaha HirShabeelle uusuan jagada ka eryin.

"Aniga iyo Waare mid unbaa meesha ku haraya," ayuu ku jawaabey markii la waydiiyey waxa ka jira in uu jiro loolan shaqsiyadeed isaga oo la hadlayey mid kamid ah warbaahinada maxaliga ah ee Muqdisho.

Beledwayne waxaa ku yaala Kastam weyn oo cashuur laga qaado kaasoo maalintii ay kasoo xarooto lacag badan, waana marin muhiim u ah ganacsiga gobolada dhexe ee Soomaaliya.

"Lacagta shacabka Hiiraan laga qaadey in uu qaato oo uu marka uu kusoo safro oo uu meelo aanan looga baahnee ku bixiyo oo uu dib usoo laabto mar kelana yiraahdo keen, taasi ma ahan waxay reer Hiiraan noo doorteen," ayuu Dabageed xusay.

Dabageed oo meesha ka saarey in uu miiska wadaxajoodka uu la fariisan doono Waare si loo dhameeyo is-qabqabsiga taagan, isagoo cod dheer ku sheegay in xafiiska uu ku yimid rabitaanka "reer Hiiraan".

Isagoo sii hadlaya ayuu Waare ku tilmaamay shaqsi kaliya "isha ku haya" mashaariicda ay Qaramada Midoobay ugu talogashay Hiiraan. "Cid reer Hiiraan ah oo uu la kulmay ma jirto, balantuu qaadana kama soo baxo".

Dowladda Soomaaliya oo soo farogelisay arrintan ayaa Guddi u saartay shaqaaqada ka dhalatay xilka qaadistii Dabageed. Guddiga wuxuu ku wajahan yahay Beledwayne xili ay ka socdaan banaanbaxyo culus.

Waare oo ka hadlay dilka taliyihii Booliska gobolka Hiiraan, Korneyl Maxamed Macow, ayaa xusay in lasoo xiray askar lagu tuhmayo, isaga oo balanqaadey in ay cadaalada wajaheyso cidii soo amartay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu khilaaf soo kala dhex-galo Dabageed iyo Waare waxaana dadka gobolka Hiiraan kasoo jeeda ay sheegayaan in ay dhibane u yihiin xifaaltanka shaqsiga ee labadaasi mas'uul.

Loolankaasi ayaa waxa uu sababey in gobolka uu noqdo mid si gaabis ah uu u socdo horumarka dhinacyada bulshada iyo dhismeyaasha wadooyinka iyada oo ay intaasi wehliso maciishada oo korortay.

Lacagta Shilinka Soomaaliga ayaa qayb kamida magaalada aanan laga isticmaalin. Intaasi waxaa sii dheer amni daro iyo lacago baad ah oo ay Al-Shabaab ka qaado ganacsatada.

Kaliya mudada uu xafiiska joogo Waare, gobolka Hiiraan waxaa uu yeeshay saddex gudoomiye gobol kuwaasi oo markii ay is-maandhaafeen uu xafiiska ka ruqseeyay.

Hiiraan oo uu maro webiga Shabeelle ayaa kamid labada gobol ee uu ka kooban yahay maamulka HirShabeelle iyadda oo midka kale uu yahay Shabeellaha Dhexe oo ay ku taalo caasimadii maamulka ee Jowhar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM