Nabadoon caan ah oo lagu dilay degmada Afgooye

Image

AFGOYE, Somalia - Dabley hubaysan ayaa xalay ku diley degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha hoose Nabadoon Caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Duraan Axmed Cabdi.

Saraakiisha amniga degmada ayaa xaqiijiyaay in labo dhalinyaro ah, oo bastoolado ku hubaysan ay ku toogteen Nabadoonka Xaafadda Xaawo Taako, xilli uu Masjid kasooo baxay.

Marxuumka, ayaa goobta ku geeriyoodey kadib markii dableyda ay ka toogteen qeybaha sare ee Jirkiisa. Lama oga sababta loo bartilmaameedsaday Nabadoonka, balse waxaa socda baaritaan xoog leh, oo ay wadaan Laamaha amniga degmada.

Al shabaab ayaa inta badan fulisa dilalka qaarijinta ah, ee ka dhanka ah Odayaashii soo doortey Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM