Naqshadda Lacag Cusub oo Soomaaliya loo soo daabacayo [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlaha Wasaaradiisa ay qabatey bishii lasoo dhaafay.

Wasiir Bayle ayaa shirkiisa jaraa'id kusoo bandhigay naqshadda lacagta cusub oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo daabacayso, si ay ugu bedesho midka hadda laga adeegsado dalka, oo ah 1,000 Shillin, oo duugoobey.
 
Lacagtaan oo isugu jirta 10,000 iyo 5,000 shillin ayuu Wasiirku tilmaamay in howsha daabacaadeeda ay meel wanaagsan u mareyso, isagoo intaasi ku daray in lacagta cusub ay tahay mid ay aad uga taxadireen in dib loo daabaco.
 
Wuxuu xusay in lacagtan ay tahay mid dahabi ah, oo aysan suurta-gal ahayn, in laga sameeyo mid kale oo been abuur ah, sida horey u dhacday, oo lacago faalso ah dalka gudahiisa lagu daabacay, taasi oo sicir barar abuurtay.
 
Beyle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in sanadka soo aadan lacagtaan laga hir-geliyo doono isticmaalkeeda guud ahaan dalka islamarkaana lagu bedalayo midda hadda dalka laga adeegsado oo ah Kunka Shilling.
 
Lacagta Kun-ka shilling ayaa waxaa laga is-ticmaalayey guud ahaan tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee dalka, iyadoona hadda uu gabaabsi ku jiro xitaa Kunkii Shilling oo laga baqayo inuu dabar go'o. 
 
- Safaaradaha Soomaaliye ee Dibadda -
 
Dhanka kale, Bayle ayaa sheegay in Safiirada u fadhiya Soomaaliya caalamka aysan u socon doonin inay dhaqaalaha dowlada iska qaataan iyagoo taageero ka helaya dalalka ay joogaan iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed. 
 
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in madaxda safaaradaha dunida u fadhiya dalka looga baahan yahay inay soo tiro koobaan tiradda shaqaalaha ee ka howlgasha dhismaha Safaaradaha.
 
Wuxuu xusay Beyle in dowladda ay dabagal xoogan ay ku sameyneyso Safaaradaha lacagaha ka helaya dalalka ay joogaan, dowladana lacago kale ka qaatana, midka ay heleena "qarsadda".
 
"Ma shaqeynayso in lacagtaas aad qaadataan, aadna qarsataan, tan dowladda aad ka qaadataan," ayuu Wasiirka Maaliyadda ee xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya, raaciyay.
 
- Bixinta Mushaaraadka Ciidamada Xoogga dalka -
 
Geesta kale, Wasiir Bayle oo soo hadal qaaday qaabka loo siiyo mushaaraadka ciidanka dowlada, ayaa ku tilmaamay inay kamid tahay meelaha ugu badan ee musuqa uu ka jiro ayna wax ka qaban doonan.
 
"[Mushaar-siinta ciidanka iyo safaaradaha] waa barta madow ee wali nagu taalo, laakiin waxbaan ka qabanaynaa, Madaxweynaha  iyo Ra'iisul Wasaaraha, iyo hogaanka ciidanka ayaa ku howlan," ayuu hadalkiisa ku daray.
 
Ugu dambeyn, Wasiirka oo ka hadlay halka ay mareyso qorshihii ahaa in deymaha laga cafiyo Soomaaliya ayaa sheegay inay mareyso meel wanaagsan dhawaana la cafin doono.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM