Nin ka tirsanaa Al-Shabaab oo dilay Sheekh caan ah oo la toogtey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Waxaa saaka fagaare ku yaalla magaalada Baydhabo lagu toogtey nin katirsanaa kooxda Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inuu bishii June, ee 2017 uu dilay Sheekh caan ahaa oo lagu magacaabi jiray, Sheekh Madeer Madgaab Caliyow.

Ninka xukunka lagu fuliyay oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Aadan Cali Boorow kaasoo Ramadan-kii lasoo dhaafay Sheekh Madeer Madgaab Caliyow ku dhex dilay mid ka mid ah masaajidda Baydhabo ayaa lagu toogtey fagaaraha Maanya Fuulka.

Goobta toogashada ka dhacday waxaa ku sugnaa guddoomiyaha Maxakamadda Darajada Kowaad ee Ciidanka Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo guddoomiyhaha maxakamadda Sare ee ciidanka Qalabka sida Liibaan Cali Yarow.

Ninka la dilay oo 24 sano jir ahaa ayaa dilkiisa la fuliyay xilli Xabsiyada dowladda ay ku xiran yihiin dad badan oo xukuno dil ah lagu riday, balse aan wali lagu fulin, kuwaasoo uu ku jiro Askarii dilay Wasiirkii Howlaha Guud ee Soomaaliya, Cabaas Siraaji.

Tan iyo marki la doortay Madaxweyne Farmaajo, oo haysta dhalashada dalka Mareykanka sanadkii tagey horaantiisa, waxaa hoos u dhacay fulinta xukunada dilalka ah, ee lagu fulinayo ragga ku eedeysan Al-Shabaab-nimada iyo Askarta dilalka geystay.

Waxaa kaloo xusida mudan in Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka ay xukunadeeda ka shaqeeyaan Muqdisho, Baydhabo oo katirsan Koonfur Galbeed iyo Beledweyne oo kamid ah HirShabeelle.

Hay'adaha xuquuqda aadanaha ayaa cambeereeyay dilalka toogashada ah ee ka dhacaya dalka Soomaaliya, oo ay sheegtay in aan la marin hanaan cadaalad ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM