Nin Soomaali ah oo turjumaan u ahaa FBI-da oo dambi lagu soo oogay

Image

WASHINGTON, US – Turjumaan Soomaali ah oo ka tirsanaa hay'adda sirdoonka Mareykanka ee FBI-da ayaa wuxuu kasoo muuqday maxkamad.

Cabdirisaaq Wehliye ayaa lagu soo eedeeyay in uu si qaldan u fasiray qoraalo markii codkiisa lagu qabtay shaqsiyaad la tuhunsan yahay.

Xubnaha lagu qabtay isagoo la hadlayo ayaa waxaa looga shakisan yahay in ay gacansaar la leeyihiin kooxaha loogu yeero in ay yihiin argagixiso.

Wehliye oo degan Virginia ayaa la xiray sanadkan waxaana uu beeniyay dambi ah in uu fasiraad khalad ah sameeyay uuna carqalad ku noqday baaritaan.

ABC News ayaa warbixin uu daabacay inta aysan bilaaban maxkamdeynta wuxuu ku sheegay in Wehliye uu sameyn doono "dambi qirasho".

Maxkamadeyntiisa ayaa ka qabsoontay xeer-beegto heer federaal ah kuna taala magaaladda Alexandria ee ismaamulka Virginia.

Wehliye ayaa qaabilsanaa dhageysiga iyo tafsiirada wicitaanada shaqsiyaadka baaritaanka ku socdo ee looga shakisan yahay in ay dadka ka caawiyaan ku biiritaanka Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa dagaalameyaasha xiriirka la leh shabakadda Al-Qaacida wuxuu u aqoonsan yahay in ay yihiin "urur argagixiso".

"Markii Wehliya uu magaciisa ka maqlay wicitaanada wuxuu ka dhigay ruux aan aqoon," ayay dacwad oogeyaasha ku sheegeen warqada dacwadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka: Siyaasaddeenna ku aaddan midnimada Soomaaliya waxba iskama beddelin 

Ururro heer gobol iyo heer caalami ah, oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo IGAD.

  • Soomaliya

    03-02-2026

  • 02:36PM

Diyaaradaha dagaalka Turkiga oo lagu arkay hawada Muqdisho

Duulimaadyadan tijaabada ah ayaa loo sameeyay xaqiijinta tayada diyaaradaha iyo diyaar u ahaanshahooda hawlgalada mustaqbalka.

  • Soomaliya

    03-02-2026

  • 11:35AM