Ninkii abaabulay Qaraxii Zoobe oo ka sheekeeyay noloshiisii Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda ciidanka qalabka Sidda ee Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah waxay xukuun dil toogasho ay ku fulisay Xasan Aadan Isaaq Cali, kaasi oo lagu eedeeyay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay Qaraxii dhimashada badan sababay ee Zoobe.

Cali oo tiro dhowr jeer ah kasoo hor-muuqday maxkamadda, isaga oo iska difaacaya eedaha loosoo tiiriyey ayaa laga qabtey saacado kadib weerarkii mahadhada sababay Isgoyska Dan-wadaagta, halkaasi oo ku qarxay Gaari uu la socday.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka Qalabka sida ayaa bilowday dhageysiga dacwada loo haysto Cali 1-da bishii Janaayo ee sanadkaan xili xukunka dilka ah lagu riday 6-dii bishii Febraayo ee 2018, kadib caddeymo loo helay eedaha loosoo jeediyay.

Weerarkii Zoobe oo noqday midkii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Soomaaliya, oo ay fuliso koox argagxiso ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen in ka badan 500 qof, halka ay ku dhaawacmeen 1,000 kale, xili lagu la'yahay nolal iyo geeri 200 kale.

Sanad guuradii koowaad ee musiibaddani oo maanta ku beegan ayaa laga xusay caasimada dalka xili isku soo bax ay kasoo qaybgaleen Kumanaan kun oo Shacab ah lagu qabtey Isgoyska Zoobe, halkaasi oo laga taagay Taalo lagu qoray 14-ka October.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda, sida Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Duqa Muqdisho, Eng Yariisow ayaa shacabka uga mahad-celiyay sida ay isugu soo baxeen iyo salaada iyo ducada ay ALLE u waydiiyeen dadkii lagu xasuuqay weerarakani.

- Taariikhda -

Xasan Aadan Isaaq, kaasi oo magaca looga dhex-yaqaano Cabdinaasir Jeeri, maadaama uu Lug naafo ka yahay, ayaa ku dhashay caasimada gobolka Bay ee Baydhabo, halkaasi oo uu Shabaab uga biiray, isaga soo qaatay tababaro noocyo kala duwan ah.

Tababarada uu soo qaatey waxaa kamid ah; dilalka qorsheysan, sirdoonka iyo Qaraxyadda, isaga oo afkiisa ka qirtay xili uu la hadlayey warbaahinta dowladda kahor inta aanan la toogan in qorshuhu ahaa in madax looga dhigo magaalada Muqdisho.

Sanadkii 2009-kii ayuu ku qaatay tababarkiisii ugu horeeyay xarun ku taalo duleedka Baydhabo oo ay Shabaab ula baxday Baraa Ibnu Maalik, halka midka labaad oo ku qaatay xarun kale, Abuu Jacfar oo ku taala degaanka Posh Madina duleedka ka ah Buur-hakaba.

Howlgaladiisii ugu horeeyay wuxuu kusoo qaatey goboladda Gedo, Bakool iyo Bay, isaga oo markii dambe loosoo wareejiyay Muqdisho, taasi oo ka dambeysay markii ay AlShabaab ku qancayn howshiisa iyo markii ay arkeen inuu yahay yahay shaqsi daacad ah.

Cali ayaa daboolka ka qaaday inuu soo noqday Darawalka hogaamiyaha Al-Shabaab ee Axmed Diiriye, kaasi oo xiligaasi ahaa Madaxa Zakawadka ee kooxdaan gacan-saarka la leh Al-Qaacidda ugu magacownaa goboladda Baay iyo Bakool.

Dhaawaca Cali kasoo gaarey Lugta gaar ahaan meel ku dhow Jilibka iyo qaybaha hoose ee jirkiisa waxaa uu soo gaarey markii la duqeeyay Saldhig ay ku sugnaayeen isaga iyo xubno kale, taasi oo ku taala dibada magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, xili weerarkaasi lagu dilay hogaamiyahii Guutadii uu la socday, Ismaaciil Jabhad iyo ku xigeenkiisa.

"Qof amniga wax ka yaqaano waan ahaa, oo haddana la'aamin dadkaasi [AlShabaab] dhexdooda, oo soo mara [lasoo shaqeeyay] Axmed Diiriye [hogaamiyaha haatan ee AlShabaab], Xasan Cali Nuur, iyo Fanax [saraakiil ka tirsan Shabaab] baan ahaa," ayuu yiri Cali oo uwaramaya warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Ugu dambeyntii, Xasan Aadan Isaaq Cali, oo ah 23-sano jir ah, kaasi oo hooyadiisa lagu sheegay magaceeda Xaawa Maxamed Cali, ayaa wareysigaan oo uu bixiyey ka hor inta aanan lagu fulin xukunka afka ku balaariyay in ku biirida Al-Shabaab uu ku qanciyey walaalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM