NISA oo cambaareyn kala kulantay warkii "xilka ka qaadista Al-Shabaab"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa cambaareyn kala dul-dhacay Hay'adda Sirdoonka markii ay faafisay war ku saabsan xil ka qaadis ay sameysay Al-Shabaab.

NISA ayaa 3-dii Janaayo, 2020 baahisay in Amiirka Al-Shabaab, Axmed Diiriye uu eryay Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgoob kana saarey Golaha Fulinta isla markaana uu ka xayuubiyey jagooyin ay hayeen.

"Sababta waa in ay kula taliyeen joojinta beegsiga dadka shacab ah ee Muqdisho," ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta rasmiga ah ee Twitter-ka ku leedahay NISA.

Qorshe "Hoose"

Dadka naqdiyey arrinkaas ayaa cuskanaya in hay'addu ku guuldareystay soo bandhigista xogaha argagixisadda ee suurtagelin kara ka hor-tagista qaraxyadda tobanaanka ruux ku dila caasimadda.

Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Aqalka Hoose oo sheegay in NISA ay qaadatay "kaalintii afhayeenka Al-Shabaab" ayaa odorsaday in uu jiri karo "qorshe hoose oo sumcad loogu raadinayo Mahad iyo Bashiir".

"…waxaa lagaa yaabaa inuu jiro qorshe dahsoon oo labadaas dambiile wadada loogu sii xaarayo oo la rabo in lagu soo dhoweeyo Muqdisho ayadoo laga dhigayo In damiirkooda iyo diintoodu ay u diideen In ay Alshabaab ka sii mid ahaadaan, mararka qaarna ay dhici karto In xilal waaweyn looga magacaabo NISA oo ay kaalmeeyaan taliye Fahad," ayuu yiri mudanaha.

Mukhaabaraadka Soomaaliya waxaa madax u ah Fahad Yaasiin Daahir, agaasimihii hore ee Madaxtooyadda iyo wariye kasoo shaqeeyay Talafishinka laga leeyahay Qadar ee Al Jazeera.

Dhaqanka "dowladka ku dheel"

Sanadkii 2019, Fahad oo Villa Soomaaliya kula kulmay wariyeyaal ayaa u sheegay in Muqdisho ay ku sugan yihiin saraakiil sar-sare oo kasoo goostay Al-Shabaab, taasna ay yareysay qaraxyadda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir, oo xusay in hay'addu "u muuqato mid la tartameysa warbaahinta" ayaa baahintaas ku qeexay "dhaqan dowlad ku dheel ah".

"Hay’adaha amniga waa la soo xigtaa ama xogta way dusiyaan ee iyagu toos uma tebiyaan. Dhaqan kan dawlad ku dheelka ah wuu soo noqnoqday wuxuu tilmaam u yahay in wiilka korka ka wada haysta hay’adaha amniga uu weli u moodo in uu Aljazeera u shaqeeyo," ayuu raaciyey.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ayaa kusoo xiray: "Amnigii iyo siyaasadii dalka oo dhan wada (Breaking News) buu noqday. Soomaaliyeey dhalintan dawlad ku dheelka ma ka wada qabanaa?".

Sikastaba, NISA ayaa la rumeysan yahay in tan iyo markii ay xafiiska timid dowlada Farmaajo ay si buuxda gacanta ugu gashay Qadar, isla markaana ay hoos u dhaceen saameynta dalalka kale sidda Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM